Madaxweyne Muse Biihi Abdi dalkaa cid u dhaanta anigu garan maayo runtii.

“Faysal iyo Ciro maalin Uma gaajoon, maantana waa maal qabeenno”

Waar Qarannimada Somaliland nin aan aaminsanayn oo dalkan iyo dadkan caqabad ku ah, cid iibin karta ama Ummadda ku qancin karta in la doorto ma jirto.

Faysal Ali Waraabe iyo Abdirahman Mohamed Abdilahi Ciro wey nagu adagtahay in aan wax u dhiibano runtii.

Reerka rag culusi waa ku jiraaye ama nookeenna kuwaa, ama kuwan la noqda iib gelimaayaane.

Nin aan Somaliland aamisnayn in wax loo dhiibo ama la doorto wey adagtahay runtii.

Runta marka laga hadlaayo, ee Qarannimo arinku yahay, Madaxweyne Muse Biihi Abdi labadan weli ayuu u noqonayaa runtii.

Madaxweyne Muse Biihi Abdi dalka ma xanuujin, ma xumayn, laakiin dadka ayuu xannuujiyey oo xumeeyey qaarkood.

Waase wax laga heshiin karo taasi, oo raganimada ayey  ka mid tahay in la heshiiyo.

Hadii dal iyo dad aad u aydaan rabtaan Madaxweyne Muse Biihi Abdi haysta oo taageera Ummadyahay.

Faysal Ali Waraabe caqabadaha dalkan haysta ayuu ka mid yahay, waa in naxliga uu kula wareegaayo dalka iyo dadka uu kala dhex baxaa.

Muse Biihi ayaa qoraxda kululeeyey iyo Muse Biihi ayaa dagaal ridey wax ka jiraa ma jiro.

Dalku halyey ayuu u baahanyahay runtii.

Madaxweyne Muse Biihi Abdi Faysal iyo Abdirahmaanba ka fiican- waa weyd marka loo eego Muse Biihi nimankaasi.

Muse Biihi dalka aynu ku hayno xoogaa bal inta abaabulka citiraafku socdo.

Bulshadii Caalamka ee aanu af naqaaney, Faysal iyo Abdirahman dooni mayno ayey yiraahdeen.

Iyagana u sheega oo waa laydin diidey dhaha, caalamkii ayaa idin diidey maanta.

Bulshadii Caalamku Muse Biihi Abdi ayey ogolyahiin oo ay yiraahdeen waa hogaamiye lala shaqayn karo.

Ninkaa Madaxweynaha doonaaya ee reer Guuleed taagan, caqli kuma jiro runtii.

Waar qabiil Qaran laguma gaadho, dad wada dhashay ayeynu nahay, ee aqoon iyo dadnimo ayaa ragu is dheeryahay.

Xisbiga Abdikariin Ahmed Mooge iskaga wareeji oo qurbahaagii iska qabo.

Faysal Ali Waraabe is true warlord indeed, he continues negative and inflammatory speech against President Muse Biihi Abdi to slander or frame wrongly.

Ahmed Siilaanyo ayaa ku yidhi ummaddu ku dooni mayso Faysaloow, diidney ayey ku tidhi.

Nin aan Somaliland aaminsanayn meel kuma laha siyaasadda dalka runtii.

Waddani iyo UCID madaxda ayaa ka xun oo dhaliil badan dul taallaa- oo xataa Bulshada Caalamku ayna oggolayn maanta.

Abdilahi Hassan.