La dagaallanka dambiyada dhaqaalaha (Economic Crimes)

Waxa qoray Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), Madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya

La dagaallanka dambiyada dhaqaalaha (Economic Crimes) waa meelaha aan wax weyn laga qaban, una baahan in si degdeg ah loo wajaho. Shidaal la’aanta bilahan ka jirtay deegaanka oo eedda ugu wayn ay leeyihiin ganacsato dhiig-miirata ah oo diin iyo dad toona aan danaynayn iyo hay’adihii loo xilsaaray oo ka gaabiyey gudashada waajibaadkoodu waa qayb yar oo ka mid ah natiijooyinka ka dhashay dambiyada dhaqaalaha oo sidii loo baahnaa aan loola halgamin.

Ma aha oo kaliya shidaalka waxa si kotirobaan ah dalka looga saaro iyadoo aan hoos loo eegin dhibaatada ay arrintaasi soo gaadhsiinayso shacabka deegaanka. Waxa deegaanka laga saaraa daawooyinka la hubo inay caafimaad ahaan habboon yihiin ee dalku soo iibsado.

Waxa dalka la soo galiyaa daawooyin iyo cuntooyin dhacay oo halis ku ah nafta iyo caafimaadka bulshada. Waxa la soo galiyaa waxyaabo badan oo aan u fiicnayn amniga iyo dhaqaalaha shacabka degaanka.

Marka loo dhaqaaqo in lala dagaallamo arrimahaasi waxa inta badan arrintaas ka hortaga dhiig-miiratada iyo kontrobandistayaasha kooban ee danta ku qaba ganacsiga sharci-darrada ah. Waxay adeegsadaan xeelado iyo mu’aamarooyin ay shacabka ay dhibaataynaynaan ugu tusayaan in Soomali la bartilmaameedsanayo, iyagoo farta meelo kale ugu fiiqa bulshada.

Waxaa intaa dheer bixin la’aanta cashuuraha oo iyaduna kamid ah dambiyada dhaqaalaha ee haddii aan meel la saarin galaafan doona nolosha iyo horumarka shacabkeena.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka deegaanka, odayaasha, culumaa-udiinka, aqoonyahanka, iyo ganacsatada xalaal-quudatada ah inay la shaqeeyaan, gacanna ku siiyaan dawladda la dagaallanka dambiyada dhaqaalaha oo si xawli ah loo bilaabi doono.

Mahadsanidiin.