Madaxweynaha Ukraine oo reer galbeedka ku eedeeyay xaalad abuur

Ukraine-(Berberanews)-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay reer galbeedka inaanay argagax abuurin xili ciidamada Ruushku ku suganyihiin xuduudaha dalkiisa.

Waxa uu saxafiyiinta u sheegay in digniinaha duulaanka soo socda ay halis gelinayaan dhaqaalaha Ukraine.

Mr Zelensky waxa uu sheegay in aanu hadda arag khatar ka weyn tii uu ku jiray ciidan la mid ah oo la soo ururiyay gugii hore.
“Waxaa jira baaqyo ka imaanaya xitaa madaxda dowlad goboleedyada la ixtiraamo, kaliya waxay leeyihiin berito waxaa dhici doona dagaal ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kyiv.

“Xaaladda ka jirta gudaha dalka oo aan xasiloonayn” waxay ahayd khatarta ugu weyn ee Ukraine, ayuu yidhi

Maalintii Khamiista, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushka uu weerari karo deriskooda bisha soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, Ruushka, ayaa beeniyay inay qorsheynayaan inay duulaan ku qaadaan, Jimcihiina wasiirkooda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Moscow aanay dooneyn dagaal.