Urur-goboleedka Ecowas oo cunaqabatayn saaray Hoggaanka Afgembiyay Burkino Faso

Burkino Faso-(Berberanews)-Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa hakiyay xubinimadii Burkina Faso ka dib afgambigii militariga ee toddobaadkan, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Ururkan oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxa ay yeesheen kulan online ah oo ay kaga hadlayeen sidii looga jawaabi lahaa xil ka qaadistii madaxweyne Roch Kaboré. Fiidnimadii Khamiista taliyaha militariga, Gaashaanle Dhexe Paul-Henri Damiba, ayaa sheegay in Burkina Faso ay waligeed u baahan tahay saaxiibadeeda caalamiga ah.

Ecowas ayaa horey u cambaareysay afgambiga – kii saddexaad ee ka dhaca gobolka tan iyo sannadkii hore. Ururku waxa uu cunaqabatayn ku soo rogay Mali iyo Guinea si loo arko in si degdeg ah loogu soo celinayo hoggaanka rayidka.

Hoggaamiyaha Afgembiga oo hadlay

Hogaamiyaha cusub ee militariga Burkina Faso ayaa ballan qaaday inuu ku soo laaban doono nidaamka caadiga ah ee dastuuriga ah “marka shuruudaha ay saxanaan”.

Gaashaanle Dhexe Paul-Henri Damiba ayaa hogaaminayay kacdoonkii xilka kaga tuuray madaxwaynihii Roch Kaboré Isniintii.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu ku guuldareystay inuu xakameeyo rabshadaha ay wadaan kooxaha Islaamiyiinta ah.

Waxa uu jeediyay khudbadiisii ​​ugu horeysay ee heer qaran tan iyo markii uu xukunka la wareegay habeen hore shir deg deg ah oo ay yeesheen hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika, iyagoi ku baaqay in laga jawaabo afgambiga.