Xasan Sheekh Cumar, Weriye, BBC
Dhowaan qaar ka mid ah magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka dhacay isu soo baxyo waaweyn oo loogu mahadcelinayey, isla markaana lagu soo dhaweynayey dood la xidhiidha qaddiyadda aqoonsiga Somaliland oo mid ka mid ah xildhibaannada UK u horgeeyey Baarlamaanka. Haddaba, bannaanbaxyadaasi waxa hadheeyey oo baraha bulshadana aad u qabsaday in shacb iyo mas’uuliyiinba ay ka jeediyeen khudbado iyo kalmado kookooban oo loo istcmaalayey luuqado qalaad sida Ingiriis, Carabi iyo Faransiis.
Arrintaas oo ahayd wax ku cusub aqoonsi raadinta iyo dibadbaxyada ka dhaca gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa si aad ah loogu qaadaa dhigay baraha bulshada oo Facebook uu ugu horreeyo.
Haddaba maxaa keenay adeegsiga luuqadaha qalaad?
Maadaama Baarlamaanka dalka Ingiriisku ay dood ka yeesheen qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, sababta ugu weyn ee bannaanbaxyadii ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Hargeysa iyo Burco laga jeediyey khudbado ku baxayey luuqado kala duwan waxay ahayd u mahadcelin Baarlamaanka UK iyo soo dhaweyn, waxaanse ka madhnayn hadal jeedintaas farriin ah in Somaliland ay qaadday tallaabooyin ay u arkaan shacab iyo dawladba in la aqoonsan karo.
Xildhibaan Suldaan Jaamac Nuux oo ka mid ah Golaha Degaanka ee magaalada Burco, kana mid ahaa masuuliyiintii Burco kaga hadlay luuqadda English-ka, ayaa sheegay in sababta khudbad Ingiriisi ah uu uga jeediyey isu soo bax ka dhacay Burco ay tahay in qaddiyadda Somaliland ee dhanka raadinta aqoonsiga la gaadhsiiyo dunida, gaar ahaan haan Yurub iyo Mareykanka, loona sheego dareenka ay qabaan dadka reer Somalliland.
“Waxay ahayd in runtii qaddiyadda Somaliland la gaadhsiiyo dadyowga kala duwan ee Yurub iyo Amerikaanka ah si loo tuso, maadaama in badan aan ku bannaabaxaynay luuqadda Soomaaliga ah oo loo turjumayey in markaa loo sheego dadkaas dareenkoodu wuxuu qabo,” ayuu yidhi xildhibaan Suldaan Jaamac.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Baarlamaanka dalka Ingiriiska loogu mahadcelinayey, isla markaana loogu muujinayay in tallaabadaas ay qaadeen shacabka Somaliland ku taageersan yihiin xildhibaannada.
Isticmaalka luuqadaha qalaad qayb ma ka qaadan karaa helitaanka aqoosi?
Waa lagu kala aragti duwan yahay marka ay timaad doorka luuqadaha qalaad ay ka qaadan karaan helitaanka aqoonsi, waxana dadka arrimahan falanqeeya ay qaarkood daliishanayaan in isticmaalka luuqadaha lagu gudbin karo kaliya farriin, hase yeeshee aaney wax muuqan wax weyn oo dhankaa ay ku kordhin karaan.
Agaasimaha Guud ee Machadka Isir ee Somaliland Mr. Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa qaba in isticmaalka luuqadaha qalaad ay si ula socdaan waqtigan casriga ah oo dunidu si aad ah u isticmaalayso baraha bulshada oo farriimuhu gaadhi karaan cidda loo dirayo oo uga dusi karta dhanka shucuubtooda.
Dhanka kalena Cabdiraxmaan wuxuu qabaa marka la eegayo kaalinta adeegsiga luuqadaha qalaad ay ka qaadan karaan karaan helitaanka aqoonsiga Somaliland in arrintaasi ku xidhan tahay dhanka ficillada ay qaaddo, qoridda waraaqo iyo doodaha oo uu isagu u arko in lagu gudbin karo wax badan.
Dadkii toddobaadkii la soo dhaafay ka hadlay dibadbaxyadii ka dhacay magaalooyinka Somaliland oo isugu jiray masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo shacab waxay intooda badan khudbadahoodii xoogga ku saarayeen in Somaliland ay gaadhay xilligii la aqoonsan lahaa, iyaga oo tusaale uga dhigayey qabsoomidda doorashooyin ay dadku codkooda ka dhiibtaan, dimoqraadiyadda iyo arrimo kale.
Balse Agaasimaha Machadka Isir ayaa qaba in dhanka warbaahinta gudbinaysay farriimihii ku baxayey luuqadaha uu gaabis ka jiray, maadaama warbaahintu u badnaayeen kuwa gudaha.
“Waxa laga yaabaa in uu gaabis ka jiray dhinaca warbaahintii duubaysay oo mar warbaahintii afka Soomaaliga ku hadlaysaa mise waa tii dunida halkaa oo kale malaha in culeyska la saaro oo ay sii fogaan lahayd ayaa laga yaabaa,” ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan, Agaasimaha Machadka Isir.
Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Geeska Afrika, ayaa isna BBC-da u sheegay in isticmaalka luuqadaha qalaad aaney kaalin muuqata ku lahayn helista aqoonsi, maadaama luuqaddu tahay wax lagu wadhadlo oo keliya, isla markaana inta badan waddamada caalamka ay la socdaan xaaladaha Somaliland, maadaama qaarkood wakiillo u magacaabeen Hargeysa. Wuxuu tusaale u soo qaatay dhulka Falastiin oo muddo raadinay madaxbnnaani khudbado Af-ingiriisi ah iyo Carabina kaga hadla meelo badan sida Golaha Ammaanka, tallaabooyinkaas oo aan ilaa hadda wax isbeddel ah u keenin reer Falastiin.
“luuqad aad isticmaasho waxaad ku soo jeedinaysaa aragti ama qaddiyadda aad leedahay dad aan fahmeyn luuqadda aad ku hadasho ayaadna wax u sheegaysaa, laakiin caalamka iyo diblomaasiyadda sida looga dhaqmo badi dalalku waxay leeyihiin safaarado ama xafiisyo siyaasadeed, kuwaas oo shaqaale u qoro in xaaladaha ay la socdsiiyaan, iyaga ayaana ku filan,” ayuu yidhi Daahir Qoriyow Isaaq.
Balse Xildhibaan Suldaan Jaamac Nuux ayaa isagu aaminsan maadaama dad badan oo reer Somaliland ah ay ku nool yihiin waddamada qurbaha, ayna garanayaan luuqadaha dalalkaas, gaar ahaan Yurub inay gaadhsiin karaan qaddiyadda aqoonsi raadinta ayna ka iibin karaan in arrintaa u sahlanaato Somaliland. Wuxuu intaa ku daray in muhiimaddu tahay indhaha dunida lagu soo jeediyo Somaliland.
Iminka adduunyadu aad iyo aad waxay u isticmaashaa baraha bulshada dad badan oo waddamada caalamka ahna way ku xidhan yihiin, markaa haddii ay arkaan dad reer Somaliland ah oo luuqadahoodii ku hadlaya dad badan ayey soo jeedin kartaa” ayuu yidhi Xildhibaan Suldaan Jaamac oo BBC-da u warramay.