Somaliland: Urur-siyaasadeedkii ugu horreeyey Muddo 10 Sanno ah oo lagaga Dhawaaqay Hargeysa

Hargeysa -(Berberanews)-Ururka Shacabka Somaliland Peeples Party (SPP) oo noqonaya Urur-siyaasadeedkii ugu horreeyey ee Somaliland lagaga dhawaaqo muddo 10 sanno ku siman, ayaa shalay munaasibad lagu shaaciyey lagu qabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda dalka.

Urur-siyaasadeedka cusub oo ay dhaqaajintiisa bilaabeen siyaasiyiin hore xilal kala duwan uga soo qabtay Somaliland, ayaa ibafur u noqonaya Ururrada Siyaasadda oo Guddiga diiwaangelinaysa Madaxweyne Biixi maanta magacaabay, kadib markii Maxkamadda Sare go’aamisay inay ururrada siyaasadda furan yihiin.

Munaasibad si heer sare ah loo diyaariyey oo Sabtidii maanta lagu qabtay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay xubnaha Ururka ku midoobay, hoggaanka ururka oo uu hoggaaminayo Wasiirii hore ee Caafimaadka xukuumaddii Siilaanyo Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), siyaasiyiin, xildhibaanno Golayaasha Baarlamaanka ka tirsan, Madax dhaqameed, haween, dhallinyaro, waxgarad tiro badan, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale.

Ugu horreyn, waxaa munaasibada furay Badhasaabkii hore ee gobollada Maroodi-jeex, Gabiley, Awdal iyo Sool, ahna suxufi soo hoggaamiyey Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), waxaannu ka warramay sababta loo aasaasay urur siyaasadeedka cusub ee SPP.

Geesta kale, waxa munaasibaddii shaacinta urur siyaasadeedka cusub goob joog ka ahaa xubnaha aasaaseyaasha iyo hoggaanka ku-meel gaadhka ah ee ururka SPP, oo uu ka mid yahay Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ah guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee ururkaasi.