Golaha Guurtida Somaliland ka Dooday Kala-xadaynta Dhul-daaqsimeedka iyo Dhul-beereedka

Hargeysa -(Berberanews)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dood ka yeeshay sidii loo kala xadayn lahaa dhul-daaqsimeedka iyo dhul-beereedka dalka.
Fadhigii Guurtida ee maanta oo uu shirguddoominayey guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxay mudanayaashu doodahooda  ku arooriyeen baahida loo qabo in xukuumaddu kala xadayso dhul beereedka iyo dhul daaqsimeedka dalka, meeshana looga saari lahaa seerayaasha dadka muwaaddiniinta ah iska ootaan, si xoolaha nool ay u helaan dhul ay ku dhaqmaan kana helaan biyo iyo baad ay ku noolaadan.

Xildhibaannada qaarkood ayaa ka xogogaal warramay in lagama maarmaan ay tahay in seerayaasha la iska ooto dowladdu baabiiso ,si xoolaheena nool u helaan calafka xoolaha una tarmaan, maadaama ganacsiga Somaliland ku dhisan yahay xoolaha nool, isla markaana Wasaaradda Horumarinta Degaanka lagu barbar istaago seerayaasha ay  baabiisay iyo in laga faa iideysto aqoonta ardeyda jamaacadaha dalka ka baxa ee cilmiga beeraha aqoonta durugsan u leh, xukuumadduna dajiso qorshe lagu kala xadeynaayo dhul-beereedka iyo dhul-daaqsimeedka dalka, sidoo kalena  tacabka beeraha la labanlaabmo xilli roobaadka, si bulshadu uga maaranto cuntooyinka dalka dibaddiisa ka yimaad si waddanku iskaga fillaado wax soo saarka cuntada.

Dhinaca kalena, mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa loo qeybiyey Xeerka Ka-hortagga iyo Xakameynta Ka-ganacsiga iyo Tahriibinta Dadka, Xeer Lr 101/2022, kaas oo ka soo gudbay Golaha Wakiillada, halka Guddoomiyaha Guurtidu uu mudanayaasha kula dardaarmay inay xeerka soo akhriyaan, kana soo baran dagaan, iyagoo fadhi dambe u ballamay maalinta Sabtida ee toddobadka soo socda haddii Eebbe idmo.