Madaxii Afgembiga Burkina Faso oo isu magacaabay Madaxweynaha dalka

Burkina Faso-(Berberanews)-Dowladda militariga Burkina Faso ayaa sheegtay in ay dib u soo celisay dastuurkii toddobaad kadib markii ay xukunka la wareegtay, waxayna hogaamiyihii afgambiga u magacawday madax dowladeed muddo ku meel gaadh ah.

Tallaabadan ayaa timid wax yar ka dib markii Midowga Afrika (AU)  hakiyay Burkino Faso la wareegidda iyo dublamaasiyiinta Galbeedka Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa cadaadis ku saartay in dib loogu soo celiyo xukunka rayidka ah.

War qoraal ah oo laga akhriyay telefiishanka Isniintii, ayay xukuumadda militariga ku dhawaaqday inay ansixisay “ficil asaasi ah” oo “kor u qaadaya laalista dastuurka”, tallaabadaas oo lagu dhawaaqay afgambigii January 24-keedii.

Qoraalka oo ka kooban 37-qodob, ayaa dammaanad qaadaya madax-bannaanida garsoorka iyo in aan dambi lahayn, sidoo kale xorriyadaha aasaasiga ah ee ku qeexan dastuurka sida xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xorriyadda hadalka, ayaa lagu yidhi bayaanka.

Sida ku cad “ficilka aasaasiga ah”, ayay tidhi, dawladda milatariga – oo si rasmi ah loogu magac daray Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Ilaalinta iyo Soo Celinta (MPSR) – “waxay hubisaa sii socoshada dawladnimada inta laga dhisayo hay’ado ku-meel-gaadh ah”.

War murtiyeedka laguma sheegin xilliga kala guurka. Waxay si rasmi ah u aqoonsatay hogaamiyihii afgambiga Lieutenant-Colonel Paul-Henri Sandaogo Damiba inuu yahay madaxweynaha MPSR. Kaawsoo doorkiisa lagu sheegay inuu ka kooban yahay “madaxweynaha Burkina Faso, madaxa dawladda (iyo) hoggaamiyaha ugu sarreeya ee ciidamada qalabka sida”, ayaa lagu yidhi bayaanka.