Maraykanka oo Gantaalaha Patriot kaga hortagay weerraro ka yimi Xuutiyiinta

UAE-(Berberanews)-Milateriga Mareykanka ayaa qaaday gantaallaha wax-ka-hortagga ah si ay uga jawaabaan weerar ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Imaaraadka Carabta, sida ay saraakiishu sheegeen.

Imaaraatka Carabta ayaa Isniintii sheegay in ay qabteen oo ay burburiyeen gantaal Balaastik ah oo laga soo ganay dalka Yemen, xilli dowladda Khaliijka ay martigelisay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.

Waa weerarkii 3-aad ee labadii todobaad ee la soo dhaafay, ka dib shilal dhacay 24-kii January iyo 17-kii January, markaasoo saddex qof lagu dilay weerar lagu qaaday keyd shidaal.

Inkastoo militariga Imaaraadku aanu qiran ku lug lahaanshaha Mareykanka ee fashilinta weerarkii ugu dambeeyay, Jen Psaki, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, ayaa sheegtay goor dambe oo isniinta millatariga Mareykanka ay u adeegsadeen “ Gantaalada Patriot… [taageeridda] dadaalka ciidamada qalabka sida UAE”. Waxay intaa ku dareen, “Waxaan dhihi lahaa waxaan si dhow ula shaqeyneynaa iyaga.”

Pentagon-ka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Imaaraatka ay hawl galiyeen difaaca gantaalaha Patriot oo hawada kaga hortagaya gantaalaha soo galayay Imaaraatka Carabta.

Faragelintu waxay calaamad u tahay ku lug lahaanshaha sii ballaaDHanaya ee Mareykanka uu ku leeyahay Yemen dagaalka toddobada sano ah ee u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo isbaheysiga militari ee Sacuudi Carabiya uu hoggaamiyo, oo uu ku jiro Imaaraadka.

Iyadoo Maraykanku uu hakiyay taageeradii uu siin jiray isbahaysiga dagaalka kula jira dawladda Yemen, Imaaraadku wuxuu martigeliyaa ilaa 2,000 oo askari oo Maraykan ah wuxuuna u adeegaa saldhig muhiim ah oo loogu talagalay hawlgalinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo F-35 oo qarsoodiga ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com