Maxkamadda Ciidammada Somaliland oo Dil ku Xukuntay askari ku dilay taliyihiisii duleedka Boorama

Hargeys  -(Berberanews)-Maxkamadda Ciidammada Millatariga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saaka gacan-ku-dhiigle allifle Maxamed Axmed Cabdillaahi oo lagu helay inuu dilay Allaah u naxariistee marxuum gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Dalmar oo ahaa Taliyihii Guutada Gamadiid ee Ciidammada Qaranka oo fadhigeedu yahay tuulada Goroyo-cawl oo ku taal duleedka bari ee magaalada Boorama, xarunta Gobolka Awdal toddobaadkii hore.