ECOWAS oo rajo ka muujiyay Milateriga qabsaday Burkina Faso

Burkina Faso-(Berberanews)-Dowlad militari oo la wareegtay awooda Burkina Faso usbuucii hore ayaa muujisay rabitaan ah inay ka shaqeyso sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamka dastuuriga ah, hogaamiyaasha urur goboleedka Galbeedka Afrika ayaa sidaas sheegay.

Ururka ECOWAS ayaa weydiistay militariga inay si degdeg ah u soo jeediyaan jadwalka doorashada, madaxweynaha guddiga ECOWAS ayaa Khamiistii sheegay.

Madaxda dalalka ku kulmay caasimadda Ghana ee Accra, ayaa sheegay inay ka xun yihiin in dowlad kale oo milateri oo ka jirta dalka ay deriska yihiin ee Mali aanay weli soo bandhigin waddo la aqbali karo oo ay ugu soo laaban karto nidaamka dastuuriga ah, taasoo horseedi karta in laga khafiifiyo cunaqabateynta.

Madaxweynaha komishanka ECOWAS Jean Claude Kassi Brou ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inaan loo baahnayn in cunaqabatayn dheeri ah lagu soo rogo ciidamadii afgamiyay madaxweynihii Burkina Faso Roch Marc Kabore.

“Waan hawl galnay. Waxayna muujiyeen inay danaynayaan inay doonayaan inay kala shaqeeyaan ECOWAS soo celinta nidaamka dastuuriga ah,” ayuu yidhi Brou.

“Maadaama ay muujiyeen awoodda ay kula shaqeeyaan ECOWAS, kaliya kuma soo rogi karno cunaqabateynta ugu badan,” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa bilowgii shir-madaxeedka sheegay in afgambigii ka dhacay Maali uu ahaa “mid la kala qaado” isla markaana uu dajiyay hab-dhaqan khatar ah oo horseedi kara afgambi dambe oo gobolka ka dhaca.

Akufo-Addo ayaa yidhi “Aynu si wadajir ah oo go’aan leh uga hortagno isbeddelkan khatarta ah ka hor inta aanu burburin gobolka oo dhan.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com