Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Go’aan ka soo Saartay Dacwadda Coldoon

Hargeysa -(Berberanews)-Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa sheegtay in ay wax dembi ah ku wayday eedaysane Cabdimaalik Muuse Coldoon oo 19 Augusta, 2021 laga soo xidhay magaalada Burco, kadib markii lagu eedeeyey in uu been abuur ka faafiyey dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo.
Xeer-ilaalinta, ayaa la sheegay in ay racfaan ka qaateen xukunka Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, kadib markii ay ku qanci waayeen, qaraarka Maxkamadda oo gebi ahaanba Coldoon ka dhigaya dembi laawe.
Dacwadda Coldoon ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ka socotay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, iyagoo dhibbanayaashu Maxkamadda ka hor akhriyey eedaha ay u haystaan eedaysanaha. Sidaa si la mid ahna Coldoon ayaa dhankiisa iska difaacay eedaha loo jeediyey.
Xadhigga Coldoon, ayaa yimi kadib markii ay dacwad kaga timi Shabakadda Dugsiyada Abaarso iyo waalidiinta carruurtoodu wax ka bartaan oo ku eedeeyey in uu ka been abuuray, kuna sheegay in diinta masiixiga lagu faafiyo dugsiyadaas.