Ilme afar jir ah oo isku toogtay Gobolka Louisiana

Louisiana-(Berberanews)-Wiil afar jir ah oo u dhashay gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka ayaa si sku toogtay qori uu ka helay dhabarka dambe ee gaadhiga halkaas oo ay la fadhiyeen labo wiil oo walaalo ah, iyadoo hooyadii iyo saaxiibkeed ay ku jireen baabuurka.

Qoraal la sii daayay Markii uu maamulka Boolisku goobta soo gaadhay, ayay sheegeen in cunugga ay soo gaadhay hal xabbo oo madaxa ah.

“Baashitaankayagii ugu horreeyay wuxuu horseeday baadhayaashayada inay rumaystaan ​​in ilmaha aanu ku dhaawacmin fal cadaawad ah, balse uu ku dhaawacmay mid dayacan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu soo saaray Jefferson Parish.

Inkastoo 4-sano jirkii loo gudbiyay isbitaalka, haddana markii dambe wuu u dhintay dhaawacii soo gaadhay.
Caruurta kale ee gaadhiga la saarneyd waxay kala ahaayeen 1 jir iyo 22 bilood jir.

Wax kale oo dhaawac ah lama soo sheegin. “Qoriga, oo uu leeyahay aabbaha ilmaha, oo aan meesha joogin xilliga toogashadu dhacaysay, ayaa lagaga tagay kursiga hoostiisa,” NBC News ayaa sheegtay warbixin ay ka heshay Booliska.
“Hooyada iyo saaxiibkeed ma garanayn in hubku yaallo.”

Louisiana waa gobol koonfur-bari ee Maraykanka oo ku yaal Gacanka Mexico.