Nin dhainyaro ah oo dad ku toogtay Waqooyiga Calinfornia

California-(Berberanews)-Nin 21 jir ah, ayaa qori la dhexgalay baska Greyhound ee Waqooyiga California habeenkii Arbacada, isagoo dilay haweeney 43 jir ah afar kalena dhaawacay, mas’uuliyiintu waxay sidaa ku sheegeen shir jaraa’id.

Tuhmanaha Asaahdi Coleman wuu qaawanaa markii dambe ay booliiska xidheen habeenkaas meel u dhow Walmart, ayuu yidhi Sheriff County Butte Kory Honea.

Booliisku waxa ay heleen 911 wicitaan wax yar ka dib 7:30 p.m. in qof bas ku jiray uu istaagay bannaanka suuqa ampm ee Oroville, oo qiyaastii 65 mayl waqooyi ka xigta Sacramento.

Booliska ayaa baska ka helay shan qof oo dhaawac ah, mid ka mid ah dadka dhaawacmayna waxa uu ku dhintay goobta.

Afarta qof ee kale ayaa waxaa ku jiray gabadh 11 jir ah oo xaaladeeda ay wanaagsan tahay, haweeney uur leh oo 25 jir ah oo xaaladeeda caafimaad ay liidato, nin 32 jir ah oo dhowr xabadood lagu dhuftay, xaaladiisana ay aad u liidato kadib qaliin deg deg ah iyo nin 38 jir ah oo uu soo gaadhay dhaawac fudud xaaladiisuna ay wanaagsan tahay.

Mas’uuliyiinta ma aanay shaacinin magaca haweeneyda la dilay iyo shaqsiyaadka la dhaawacay.