Sirdoonka Maraykanka oo ogaaday arrin yaab leh oo Ruushku qorshaynayo

Moscow – Ruushka ayaa la sheegay inuu ku hawlan yahay diyaarinta qorshe been-abuur ah oo uu marmarsiiyo uga dhigto duullaan uu ku qaado Ukraine, isagoo si been ah ugu eedeynaya ciidammada Ukraine inay weerar ku qaadeen kooxaha goonni u goosadka uu Ruushka taageero ama Ruushka laftiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.
Arrimaha la sheegay in Ruushka uu ka fiirsanayo inuu soo bandhigo waxa ka mid ah baahinta weerar been abuur ah, iyadoo sawirro muuqaal ah oo ku aaddan qaraxyo iyo falal ay ka dhasheen khasaare badan abuuraya, si markaasna Ruushku uga jawaabo falalkaas, qiilna ugu helo weerarkiisa dalkaas.

Maraykanka iyo Nato, ayaa ka walaacsan tirada badan ee ciidammada Ruushka oo ku sugan meel u dhow xadka Ukraine.

Ruushka ayaa marar badan beeniyey inuu qorsheynayo inuu duullaan ku qaado dalkaas, isagoo sheegay in ciidammadiisu halkaas u joogaan dhoollatus, waxayna ilaa hadda gaadhayaan 100,000 askari.

Xiisaddan ayaa ku soo beegantay siddeed sanno kadib markii Ruushku la wareegay Gacanka Koonfureed ee Ukraine ee Crimea oo uu taageeray kacdoon dhiig badan ku daatay oo ka dhacay bariga Donbas.
Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka, ayaa xusay in hawlgalka la sheegay inay qorsheynayaan laamaha ammaanka ee Ruushka, uu muujin doono muuqaallada dadka rayidka ah ee lagu laayey magaalada Donbas ee bariga Ukraine, si ay abuuraan cadho ka dhalata maamulka Ukraine.

“Tan waxa markaas loo isticmaali karaa in lagu marmarsiiyoodo weerar lagu qaado Ukraine,” ayey yidhaahdeen saraakiisha.

Qorshahan waxa ka mid noqon kara in la sameeyo oo la duubo weerar been abuur ah, sida ay sheegeen.
“Waxay muujin doontaa meydadka iyo meelaha la burburiyey, qalabka millatariga ee Ukraine ee been abuurka ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu sameeyey iyo jilayaasha ciyaaraya baroor-diiqyo ku hadla afka Ruushka,” ayey yidhaahdeen.

Laakiin saraakiishu waxay carrabka ku adkeeyeen in arrintani tahay mid ka mid ah fursadaha uu Ruushku ka fiirsanayo, waxayna sheegeen inay faafinayaan dadaal ay ku doonayaan inay Ruushka kaga dhaadhiciyaan tallaabada uu damacsan yahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Liz Truss, ayaa sheegtay in Sirdoonka Maraykanku “ay hayaan caddaymo cad oo naxdin leh oo muujinaya gardarrada aan loo meel dayin ee Ruushka iyo dhaq-dhaqaaqyada gacmahooda ee lagu khalkhal gelinayo xasilloonnida Ukraine.”
“Ujeeddadan doonista ee ku wajahan waddan madaxbannaan oo dimuqraadi ah waa wax aan gebi ahaanba la aqbali karin, waana ku cambaareyneynaa sida ugu macquulsan. UK iyo xulafadayadu waxay sii wadi doonaan inay soo bandhigaan khiyaanada iyo dacaayadda Ruushka,” ayey tidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ka jawaabay wararkaas.
“Tani ma aha dacaayaddii ugu horreysay ee nooceeda ah, horeba waa u jireen,” ayuu yidhi Afhayeenka Kremlin-ka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Tass. “Wax la mid ah ayaa sidoo kale hore loo sheegay, laakiin waxba kama soo bixin.”
Dhanka kale, Safiirka Ruushka ee Midowga Yurub, Vladimir Chizhov, ayaa CNN u sheegay in Moscow aanay u qorsheyneyn wax hawlgallo ah oo been abuur ah si ay ugu duulaan Ukraine.
Warka ku saabsan shirqoolka lagu eedeeyey, ayaa soo baxay maalin kadib markii Mareykanku sheegay in uu ciidammo dheeraad ah u dirayo xulafada Nato ee Yurub.

Ruushku waxa uu sheegay in tallaabadani tahay mid wax burburinaysa, waxaanay muujiyeen in walaaca ay ka qabaan isballaadhinta bari ee Nato ay tahay mid sax ah.
Loollanka u dhexeeya Ruushka iyo Maraykanka oo weli haysta hubka nukliyeerka ee ugu weyn adduunka, wuxuu soo bilowday dagaalkii qaboobaa (1947-89). Ukraine markaas waxay ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah Midowga Soofiyeeti ee Shuuciga.

Waxa socda dedaallo diblomaasiyadeed tan iyo Khamiistii si ay isugu dayaan inay ka hortagaan cabsi ay ka qabaan in uu noqdo dagaal weyn oo ka dhaca Yurub.

Intii uu ku guda jiray booqashadiisa caasimadda Ukraine ee Kyiv, madaxweynaha Turkiga Mr Recep Tayyip Erdogan, ayaa markale u soo jeediyey inuu dhexdhexaadiyo wadahadal dhexmara Ukraine iyo Ruushka.
“Turkigu waxa uu diyaar u yahay inuu kaalintiisa ka qaato sidii loo xallin lahaa xasaradaha,” ayuu yidhi Mr Erdogan.
Turkiga ayaa xidhiidh wanaagsan la leh Ukraine iyo Ruushka labadaba.

Dhanka kale, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa wadahadal dhanka telefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, si ay isugu dayaan inay xiisadda dejiyaan.