Morroco-(Berberanews)-Aas dadweyne ayaa loo sameeyay wiil shan jir ah oo ku dhacay God ku yaal dalka Marooko, taasoo keentay dadaallo ballaadhan balse ugu dambeyntii markii laga soo saaray uu geeriyooday.
Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay tuulada Ighran si ay ugu baroor diiqaan wiilkan yar oo lagu magacaabo Rayan Oram, kaas oo ku go’doonsanaa godka maalmo badan, iyadoo kooxaha gurmadka ay isku dayeen in ay qodaan dhul adag.
Dhambaal isugu jira taageero, walaac iyo murugo loo jeedinayo wiilka iyo qoyskiisa ayaa isaga soo daba dhacayay daafaha caalamka iyadoo warka ku saabsan geerida Rayaan uu faafiyay goor dambe oo sabti ah.
Isniintii, boqollaal qof oo baroordiiq ah ayaa fuulay waddada buuraleyda ah ee aan laamiga ahayn ee hor marta qabuuraha Ighran ee gobolka Chefchaouen ee woqooyiga Morocco, halkaas oo ay saacado ku sugayeen aaska si ay u uga qaybgalaan aaska muslimiinta.
“Waxaan ka weynahay 50 sano, weligeyna ma arag inta qof ee aaska. Rayaan waa wiilkeena dhammaanteen,” mid ka mid ah dadka tuulada ayaa yidhi.
Waxaa jiray dad aad u badan oo u baroordiiqa oo wada geli kari waayay qabuuraha tuulada iyo goobta lagu tukanayay.
Laba teendho oo waaweyn ayaa laga taagay guriga qoyska murugaysan hortiisa, halkaas oo ay dadka u baroordiiqayaa istaagi karaan si ay uga tacsiyeeyaan. “Dhimashada Rayaan waxay dib u soo cusboonaysiisay rumaysnaanta bini’aadminimada iyadoo dadka ku hadla luqado kala duwan iyo dalal kala duwan ay muujinayaan midnimo,” qof kale oo tuulo ah ayaa yidhi.