Hay’adaha Sirdoonka ee ugu awoodda badan caalamka

Washington -Khubarada dhanka ammaanku marka ay ka hadlayaan sugidda amniga waddan, waxa ugu horreeya ee ay ku taliyaan waxa weeyi helidda hay’ad sirdoon oo awood leh. Sababtaas darteed ayey dalalka dunidu dhaqaalaha ugu badan ugu bixiyaan casriyenta iyo horumarinta awoodahooda sirdoon iyo xog-helid.

Sirdoonku waxa uu ka mid yahay hay’adaha udub-dhaxaadka u ah dal walba, isla markaana xogaha dibadda iyo gudaha ee ay keenaan ayaa lagu saleeyaa danaha qaranka iyo sugidda amniga.
Hay’adda Sirdoonka Qaranka waa difaaca ugu horreeya ee qaran leeyahay, waana hay’adda u qaabilsan helista xogaha qarsoon iyo hagarmaadooyinka loo maleygayo dal, laakiin dalalka oo dhan ma noqon karaan isku awood dhaqaale iyo sirdoon.
Haddaba, waa kuwan shanta hay’adood ee ugu awoodda iyo saameynta badan dhanka sirdoonka caalamka.
1. Sirdoonka Mareykanka ee CIA:
Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA waxa la aasaasay sannadkii 1947. Waxa ay hay’addan sirdoon xirfad ahaan si aad ah uga sarreeysa hay’ado badan oo caalamka ah, waxaanay wax badan ka ogyihiin dhacdooyinka adduunka ka dhaca.
Hay’adda CIA ayaa dawladda Mareynkanka u qaabilsan ururinta xogaha sirdoon ee dibadda iyo mararka qaar gudaha. Si rasmi ah looma shaacin tirada shaqaalaha sirdoon ee hay’addan, laakiin waxa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin kuwa ugu awoodda badan, uguna dhaqaalaha sarreeya sirdoonka caalamka. Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA waxa haatan agaasime ka ah William J. Burns.
2. Hay’adda Sirdoonka Israel, Mossad:
Mossad waa Hay’adda Sirdoonka Israa’iil, waana hay’ad aad u awood badan.
Mossad waxa la aasaasay 1949kii, sannad kaddib markii la sameeyey Israa’iil.
Israa’iil waa dal ay leeyihiin Yuhuudda ku nool badhtamaha shan dal oo Carab ah. Caadiyan, waxa ay u baahnaayeen hay’ad sida Mossad oo kale ah oo indhaha ku haysa cadawga xuduudaheeda.
Mossad waa hay’ad muhiim gaar ah u leh Israa’iil, isla markaana hawlgallo badan ka fulisa meel badan oo caalamka ka mid ah.
Dhaqanka Mossad ayaa ah in ay u diyaargaroobaan halisaha waaweyn, dhaqankaas oo ka imanaya xaalado adag oo jiray waqtigaas la aasaasayay hay’addan.
Taariikhda Israa’iil ama dagaal ayey kula jiraan dalalka Carabta ama xaalad colaad ah ayuu ku jiray. Maanta, Israa’iil waa quwad wayn, haseyeeshee dhaqanka Mossad waxba iskama beddelin.
3. Hay’adda Sirdoonka Britain ee MI6:
MI6 waa hay’adda sirdoonka ee dalka Britain, waana hay’ad aad u awood badan.
M16 waxa xarun u ah magaalada London, waxaana la aasaasay 4 July 1909.
Hay’addani waxay ururisaa oo xuuraantaa macluumaadka la xidhiidha amniga qaranka ee dalka iyo dibaddaba.
Waxay MI6 ay ka mid tahay hay’adaha sirdoonka ee ugu awoodda badan caalamka, waxana imikana madax ka ah Richard Moore.
4: ISI Pakistan:
ISI waa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Pakistaan, waana udub-dhaxaadka amniga qaranka dalkaasi.
Hay’adda ISI oo xarunteedu tahay caasimadda Islamabad, waxa la aasaasay sannadkii 1948, waxana hadda madax ka ah Nadeem Anjum.
Hay’addan ayaa lagu tilmaamaa mid awood badan ku leh Pakistaan, waana hay’adda ay ku tashadaan shacabka iyo madaxda dalkaas.
5. GRU-Ruushka
GRU waa hay’adda Sirdoonka Ruushka, waxana la abuuray sannadkii 1992.
Waxa la aasaasay kadib burburkii Midowgii Soofiyeeti sannadkii 1990, waxyna beddeshay hay’addii awoodda badnayd ee KGB.
Hay’addan ayaa sii xoogeysatay markii uu xilka madaxnimada Ruushka la wareegay Valadamir Putin oo haatan hoggaaminaya dalkaas.