Maxay Ethiopia oo aan bad lahayni doonaysaa ciidan badeed?

Dawladii Dhergiga ee Ethiopia oo maamulaysay xiligaasi ilaa Erateria ayaa waxa ay lahayd ciidamo badeed oo lagu qiyaasay 11,500 ciidamo ah iyo 11 maraakiibta iyo doonyaha dagaalka ah agabkii iyo ciidamadii waxaa ka faaiideysatay Erateria waxna waxa la bililiqaystay xiligaasi.

Bishii April 2018 ayuu ka dhawaajiyey raisal wasaaraha Ethiopia in ay Ethiopia sameysatay ama leedahay mid ka mid ah ciidamada dhulka ee qaarada Africa ugu xooga weyn iyo ciidamada cirka ee Africa ugu xooga weyn , waxaanu yidhi waxa aanu dhisi doonaa awooda ciidamadayada badda.

Sidoo kale waxaa jira khad tareen oo u kala goosha Ethiopia iyo Djibouti oo 70% qaada ganacsiga xamuulka ( Cargo) haddaba dalka Ethiopia oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo qof baahidiisa ma kafayn karaan 33% waxaana muhiim ah in Ethiopia khadad tareen iyo isticmaal dekedo ganacsi oo badan hesho waxna ay ka dhoofiso waxna ay kala soo degto.

Dabcan Ethiopia way leedahay  machad soo saara tababarka khubarada badda oo jira laakiin ma lahayn quwad ciidamo badeed oo dhisan oo saabadii badda iyo hubkoogii leh , inkasta oo uu hogaamiye kasta oo Ethiopian ah uu ku jiray arinkaasi haddana waxa soo shaac baxay cahdigani Abiy Ahmed in ay aad u daneynayaan ciidamo bad oo xoog badan.

Madaxa hay’ada hawlaha maraakiibta iyo badaha ee dawlada ( ESLSE ) Robe Megerssa Akawawa ayaa warbaahinta Bloomberg ee maraykanka u sheegay in ay Ethiopia u baahan tahay ciidamo badeed .

Sababaha ugu waaweyn ee ku kalifayana waxa uu ku sheegay in ay Ethiopia leedahay 11 markab oo kuwa baayacmushtarka ah oo u baahan ilaalo , waxa kale oo uu raaciyey in ay walaac ka qabaan saldhigyada milateri ee dawladaha shisheeye ku leeyihiin Djibouti US,China,Japan iyo France maadaama aanay Djibouti lahayn buu yidhi ciidamo badeed oo xoog leh gobolka dan bay u yihiin ciidamo badeed oo Ethiopia yeelataa.

Waxa isaguna warbaahinta BBC xiligaasi siiyey wareysi diblomaasi hore oo la yidhaahdo Birhanemeskel Ababe ayaa yidhi waxa qasab ka dhigeysa in Ethiopia quwad badeed yeelato , juquraafiyad siyaasadeedka iyo muhiimada halka ay ku taalo .

Waxaa uu ku dooday Ethiopia waxa ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah oo ay joogaan ciidamadooda baddu , waxaana uu soo sheegay in meelaha ay noqon karaan saldhigyadooda badu ay yihiin Somaliland, Djibouti iyo Kenya.

Ilaa intii uu Abiy Ahmed yimid talada dalka Ethiopia waxaa soo badanaysa danaynta Ethiopia ee badaha iyo dekedaha gobolka waxaana uu heshiis la galay Sudan oo uu rabay in ay dekadooda Port Sudan isticmaalo , sidoo kale Kenya ayuu kula heshiiyey in Dekedda Lamu la casriyeeyo oo ay Ethiopia u baahan tahay.

Waxa ay Ethiopia qayb ka ahayd heshiiskii saamiyada ee Dekedda Berbera oo ay ku lahayd 19% waxaana ay ugu talo galeen in helaan dekeda labaad ee ay ugu istic-maalka badanayaan in ay noqoto dekeda Berbera maadaama ay 95% Ethiopia wax kala soo degto waxna ka dhoofiso dekedaha dalka Djibouti ee Djibouti port iyo Doraleh port oo u jira Addis-Ababa 759km .

Waxaa jiray heshiis kale oo dawlada Ethiopia la gashay Erateria iyo Somalia xiligii ay galeen heshiiska sadex-geesoodka ahaa kaasi oo lagu sheegay iskaashiga dhaqaalaha is-dhexgalka iyo wax is dhaafsiga , waxaa ka mid ahaa in Ethiopia dooneyso Afar dekadood oo ay soomaaliya leedahay.

Khabiirada cilmi baadhista badaha ee uu ka mid yahay Timothy Walker oo machadka ISS ah oo arinkani wax ka qorey ayaa sheegay in aanay wax hawl yar aheyn dhismaha ciidamo badeed iyo saldhigyadiisu oo ay Ethiopia ku qaadan doono dhaqaale xad dhaaf iyo sanooyin badan.

Isku soo wada xoori hadal waa gun iyo gob’o e maxaa Ethiopia oo aan bad lahayni u dooneysaa quwad ciidamo badeed ?  Quwad ciidamo badeed oo la dhisay ma jiri kartaa bad la’aan ?

La soco…

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil