Qarammada Midoobay oo shaacisay xog ku saabsan willka Osama Bin Laden

New York – Warbixintii ugu dambaysay ee Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada Dawladda Islaamiga ah iyo Al-Qaacida iyo xulafadooda, oo si rasmi ah loo shaaciyey toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in Daalibaan aanay sameyn wax xaddidaya dhaqdhaqaaqyada argagixisada shisheeye.
Warbixinta Qarammada Midoobay, ayaa lagu sheegay in wiil uu dhalay hoggaamiyihii Al-qaacida ee la dilay Osama Bin Ladin oo lagu magacaabo Cabdullaahi uu booqday Afgaanistaan bishii October ee 2021kii, si uu kulan ula yeesho Dalibaan.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in Al-qaacida ay sii wadayso istiraatiijiyaddeeda, kadib markii ay ugu hambalyeysay Daaliban guushii ay gaadhay August 31-dii ee sannadkii hore, oo sida muuqata “aanay wax u dhimin dadaallada Daaliban ay ku dooneyso aqoonsi iyo sharci caalami ah.”
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaradda Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in “warbixinnada noocaan oo kale ah, oo aan laheyn wax caddeyn ah, aan laheyn dukumanti iyo cinwaano, waan diidaynaa, warkaasina ma aha mid dani ugu jirto Afgaanistaan ​​iyo Caalamka midna,” ayaa lagu yidhi bayaanka.