Kala Duwanaanshaha Somaliland iyo Shirweynihii Madaxweyneyaasha Afrika

Faalo: Xuseen Cali Nuur
Dhallinyaro! Ma ogtihiin in muddo haatan laga joogo boqol sannadood, shacbiga Somaliland uu halgankii ugu horreeyey ee hubaysnaa ka bilaabay qaaradda Afrika. Halgankaas oo muujinaya in shacbiga Somaliland aanay marnaba ogolayn, in waxyeello loo geysto xornimadooda.
Halgankan hubaysan oo muddo dhawr iyo toban sannadood ah socday, waxa lagu waajahay Boqortooyadii Ingiriiska ee markaa sheeganaysay in aanay dunida qoraxdu dalalka ay gumaysato ka dhicin.
Halgankan hubaysan oo uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Daraawiishtiisii, waxa garab socday diidmo shacbi oo ku wajahan cashuur kordhin iyo hub ka dhigis oo ay diidanaayeen. Iftiinka xornimo ee Afrika ee ka bilaabmay dalkeenna waxa la wadaagay dalka Suudaan oo kaliya. 
Qoreyaasha taariikhda qaar ka mid ahi waxay Sayidka ku tilmaamaan inuu ahaa “SUUFI WAALAN” (The Mad Mullah). Hase ahaatee qaar kaloo badan ayaa sheegay in aanu suufina ahayn, waalnayna, balse uu ahaa halgamaa gobonimo-doon ah.
Halganka xornimo-doonka ahaa ee dalkeenna hooyo ka bilaabmay qarni ka hor, wuxuu ku fiday qaarada Afrika dagaalkii labaad ee dunida kadib. 1960kii markay dalal badan oo Afrika ahi ka xoroobeen gumaysiga, waxa sannadkaas loo bixiyey sannadkii Xornimada Afrika. Waana sannadkii Somaliland ka xorowday gumaysigii Ingiriiska.
Dhallinyaro, 1964kii shirkii halgameyaasha iyo madaxweyneyaasha Afrika ee u horreeyey ee lagu qabtay Qaahira, waxa lagu heshiiyey xeerkii midnimada Afrika (Organization of African Union).
Qodobbada xeerkaa waxa ka mid ahaa in xudduudaha dalalka loo daayo sidii uu gumaysigu kaga tagay. Jamhuuriyadda Somaliland-na waxay ku sugan tahay xuduudaas ay Afrika isku raacday 1964kii.
Waxa ayaan-darro ah waxay dunidu u aqoonsan la’dahay Jamhuuriyadda Somaliland, ayna u jabinayso cahdiga Qarammada Midoobay, ka Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta. Xaqiiqda jirta ee indhaha laga qabsanayaa waxay tahay:

Dalka Ingiriiska oo aan marna laga maqlin in Somaliland ka xorowday 1960kii, la soo noqodkeeduna yahay mid xaq ah, iyadoo la aqoonsaday dalalkii ka baxay is-raacyadii ay ka mid ahaayeen Sinigaal iyo Gaambiya, Itoobiya iyo Ereteriya oo Afrika ku yaalla. Sidoo kalena Masar iyo Suuriya oo dunida Carabta ka mid ah.
Bulshada caalamku waxay aqoonsatay dalalka Seerbiya, Boosniya iyo Karooshiya oo ka mid ahaa dalkii Yuguslaafiya ee burburay markuu dhintay Madaxweyne Maarshaal Tiito.
Caalamku wuxuu aqoonsaday Koonfurta Suudaan oo ka go’day dalka Suudaan.  Waxa kale oo uu aqoonsaday dalalkii ka xoroobay midowgii Soofiyeeti markii uu burburay.
Dhallinyaro, shirkii ugu dambeeyey ee madaxweyneyaasha Afrika ee Addis Ababa, waxay ku mashquuleen dagaalada Afrika ka aloosan sidii ay u qaboojin lahaayeen iyo COVID-19. Dalalkaas qaar ka mid ahi waxay qarka u saaran yihiin burbur, waxaana sabab u ah:
• Dastuurka iyo shuruucda oo ay jabiyeen oo aanay ku dhaqmin.
• Muddo-korodhis Madaxweyne oo sharci-darro ah.
• Caddaalad-darro iyo ku-tagri falista hantida Qaranka.
Waxay ila tahay dhallinyaro, inaad xaaladda Afrika iyo ta Jamhuuriyadda Somaliland inaad isbarbar-dhigtaan, ogaataana farqiga u dhexeeya iyo waxay ku kala duwan yihiin- oo aan u arko inay yihiin kuwo isku jira cirka iyo dhulku inta ay isku jiraan.
Waxa innagu waajib ah in aan Ilaahay u noqono oo istiqfaarta badsano, ka dhawrsanaano wixii cadhada Ilaahay keenaya, una wada gurmano dadkeenna abaartu ku habsatay, waxna tarno walaalaheenna ka soo qaxay abaarta haysata Soomaaliya iyo deegaanka Soomaalida Itoobiya. (XAALADDA DHABTA AH EE AFRIKA WAA TAAS, TEENANA WAAD ARAGTAAN, OGAADA IN AQOONSIGU GACANTA EEBE KU JIRO.”