Addis Ababa – Qarammada Midoobay, ayaa rajo wanaagsan ka muujisay iney midha dhalaan wadahadallada u socda madaxda dowladda iyo fallaagada TPLF oo muddo ka badan sannad ku dagaallamayey woqooyiga dalkaasi.
Qarammada Midoobay waxay sheegtay iney wadahadallada labada dhinac u socda ay meel wanaagsan marayaan.
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Aamina Maxamed waxay booqasho ku martay degaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay oo ay dagaalladu saameynta badan u geysteen.
Amina oo shir-jaraa’id ku qabatay magaalada Addis Ababa maanta, waxa ay sheegtay marka loo eego dagaalkii waqooyiga Itoobiya ka socday muddo ka badan sannad ay xaaladdu hadda deggan tahay marka laga reebo isku dhacyo yaryar oo meelaha qarkood ka dhaca.
“Haadda xaalku meel fiican ayu marayaa, wadahadallada socdaana si wanaagsan ayey u socdaan weyna sii socon doonaan,” ayey tidhi.
Aamina inta ay booqashada ku mareysay deegaannada Amxaarada, Cafarta iyo Tigraay madaxda deegaannadaasi waxay ugu baaqday iney colaadda joojiyaan oo miiska wadahadalka ku soo noqdaan.
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Antonio Guterez, ayaa maalmo ka hor sheegay dhinacyada ka qaybqaatay dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka socday ku dhawaad 15 bilood rabitaanka nabadda ee ay dhawaan muujiyeen inuu soo dhaweynayo.
Guterez wuxuu intaa ku daray tallaabbada ugu horreysa ee dagaalka lagu joojin karo iney tahay xabbad joojin buuxda oo ay dhinacyada dagaallamaya gaadhaan.
Amina oo kulammo gaar ah la yeelatay haweenka iyo ardayda waxay sheegtay in intii dagaalka Itoobiya uu socday ay dhaceen xadgudubyo dhinaca jinsiga ah taasina ay Qarammada Midoobay marnaba u dulqaadaneyn.
Haweenka xadgudub galmo loo geystay oo ay la kulantayna waxay u sheegtay Qarammada Midoobay iney xal u raadineyso dhibaatooyinka haweenka soo gaadhay ee isugu jiro mid jidheed iyo mid maskaxeed in xal buuxa ay u raadineyso.
Dagaalka Itoobiya oo deegaanka Tigraay ka bilowday bshii November 2020, wuxuu markii dambe ku sii fiday deegaannada Amxaarada iyo Cafatrta oo dagaalka xooggiisa uu inta badan ka socday.
Waxa dagaalkaasi ku barakacay malaayiin qof halka kumannaan qofna ay naftooda ku waayeen.
Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegtay Ra’isal wasaare Abiy Axmed inuuu sheegay dowladdiisu iney diyaar u tahay iney wadahadal la yeelato fallaagada TPLF.
Hoggaamiyaha Fallaagada TPLF Debresion Gabre-Mikael oo BBC u warramay wuxuu isna sheegay dowladda Itoobiya iyo TPLF inuu u bilowday wadahadal aan toos ahayn, wadahadalkaasina ay ka muuqdaan rajo wanaagsan oo xal u noqon kara colaadda muddo sannad ka badan ka taagan waqooyiga Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa horraantii bishii January ee sannadkan xabsiga ka sii deysay siyaasiyiin ka tirsan fallaagada TPLF oo ay dowladdu ku qabatay dagaalkii ka socday gobolka Tigraay.
Xubnaha TPLF ee xasiga laga si daayey:
Sibhat Negga
Sibhat Negga waa aasaasihii xisbigii la od4an jiray TPLF oo haatan u diga rogtay fallaagada uguna tunka weynaa xisbiga muddada dheer talada dalka Itoobiya soo hayey ee EPRDF.
Wuxuu ahaa xubin muhiim ah oo udub dhexaad u ahaa siyaasadda dalka Itoobiya ay ku soo hoggaaminayeen TPLF.
Sannadkii hore markii uu waqooyiga Itoobiya uu ka qarxay dagaalka u dhaxeeyay dowladda dhex ee Itoobiya iyo fallaagada TPLF wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadka ay dowladda Itoobiya waaranka qabashada u jartay ee loo haystay dagalkaasi iney soo maleegeen.
Sibhat oo 86 jir ah waxay ciidamada dowladdu gacanta ku dhigeen 8 January 2021-ka xilligaasi oo dagaalka waqooyiga Itoobiya ka qarxay uu socday 2 bilood oo keli ah.
Sibhat oo TPLF aasaasay wuxuu muddo dheer uu ka soo ahaa guddoomiyey isaga oo door weyna ku lahaa xisbiga EPRDF iyo dowladda Itoobiya ee xilligaa jirtay.
Siyaasadda ka sokowna wuxuu madax u soo ahaa shirkadaha wax soo saarka ee ay TPLF lahayd ee balaayiinta lacagta maamulayey.
Sibhat oo xalay xabsiga laga sii daayey waxa loo haystay inuu maleegay weerarki loo geystay ciidammadii dowladda dhexe ee ku sugnaa saldhigga waqooyi iyo qalalaaso dalka Itoobiya qaybahiisa kala duwan ka dhacay inuu ku lug lahaa.
Qidusan Negga:
Qiddusaan Negga waxay muddo dheer xubin ka soo ahayd TPLF iyada oo ka mid noqotay xubnaha sare ee xisbigaasi hoggaaminayey.
Qiddusaan oo ka mid noqotay siyaasiyiinta ay dowladda dhexe ku raad joogtay oo laga soo qabtay deegaanka Tigraay waxaa kal hore xilligan oo kale lala soo qabtay walaalkeed Sibhat Neggaa.
Doorka ay siyaasadda TPLF ku lahayd ka sokowna waxay soo qabatay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowlad-degaanka Tigraay wixii dagaalka ka horreeyey.
Seygeeda Tseggay Berhe oo isna door weyn ku lahaa siyaasadda TPLF wuxuu sida oo kale uu soo qabtay xilka madaxweynaha deeganka Tigaay.
Mulu Gabre-Igzabiher:
Mulu Gebre-Igzabiher oo xubin ka ahayd TPLF waxay dowladda dhexee dalka Itoobiya ay ka soo qabatay xilka wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka, iyada oo ahayd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ee dalkaasi.
Waxayna ka mid ahayd xubinihi TPLF ee lagu qabtay dagaalka gobolka Tigray ka socda oo kiiskooda muddo sanad ah ay eegeysay maxkamadda sare ee dalkaasi, ugu dambeyntina waxay ka mid noqotay siyaasiyiinta xalay cafiska lagu sii daayey.
Dowladda dhexe ee dalka Itoobiyana waxay sheegtay sarakiil ciidan iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka tirsan TPLF iney laamaha ammaanka gacanta ku soo dhigeen balse siyaasiyiinta cafiska loo fidiyey ay yihiin oo keli ah.
Lixda xubnood ee cafiska loo fidiyey ee ay wasaaradda caddaaladdu shaacisay ay kala yihiin: Sibhat Negga, Qiddusan Negga, Mulu Gabre-Igzabiher, Abay Waldu, Abadi Zamu iyo Kiros Hagos.