Hargeysa: Kulan Caawa dhexmaray Suldaanka Guud ee Habar jeclo iyo wasiirrada beeshiisa

Hargeisa-(Berberanews)-Waxa Caawa Magaalada Hargeisa kulan ku yeeshay Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan Abdilaahi Suldaan Cali Muuse iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee ka soo Jeeda Deegaankiisa.

Kulankan ay wada Qaateen Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco iyo Xubnaha Wasiiradda ah ee Xukuumadda Kumetela Deegaan kiisa ayaa daaranaa Booqasho Xubnahan Wasiirada ahi ay ugu tageen Suldaanka oo ku Sugan Hargeisa islamarkaasna dhowaan Xaalad Caafimaad ugu bixi doona Dalka Debediisa.

Sidookale waxa ay Suldaan ka iyo Xubnaha Wasiirada ahi iska Xog waraysteen Xaaladaha dalka & Abaaraha Baahsan ee wakhtigan Ku Habsadey Gobolada Bariga Somaliland.