Ruushka oo dhoollatus milateri ka bilaabay Belarus

Rusia-(Berberanews)-Dowladda Ruushka ayaa 10 maalmood oo dhoolatus militari ah ka bilowday dalka Belarus khamiistii, isagoo lix ka mid ah maraakiibtiisa dagaalka kusoo xidhay deked istaraatiiji ah oo ku taal Badda Madow.

Saraakiisha Ukraine, ayaa dhaleeceeyay  oo ku sifeeyay ficillada Moscow inay sii kordhinayaan xiisadaha gobolka.

Dhaqdhaqaaqa Ruushka ee Belarus ayay ka qaybqaatay kumannaan ciidamo ah iyo hub casri ah sida gantaalada S-400, kuwa difaaca hawada ee Pantsir system-ka iyo diyaaradaha dagaalka ee Su-35.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in lix markab ay gaadheen dekedda Sevastopol ee gobolka Crimea, taas oo Moscow ay ka qabsatay Ukraine sannadkii 2014-kii. Maraakiibta Ruushka ayaa dejinaya ciidamada, gaadiidka iyo agabka kale.

Moscow iyo Minsk ayaa sheegay in ciidamada Ruushku ay soo gabagabeyn doonaan dhoollatuska, ayna ka bixi doonaan Belarus kadib 20-ka February.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa weli ka baqaya in Ruushka oo duulaan ku ah Ukraine uu kusoo dhawaado isaga oo wata 100,0000 oo ciidan.

Wadahadal u dhaxeeyay Ukraine iyo Ruushka ayaa Khamiistii soo dhamaaday iyadoo aan wax horumar ah laga gaadhin.

Raisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa Khamiistii u safray Brussels, si uu xaaladdan ugala hadlo Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg kahor inta aanu u ambabixin kulamo kale oo uu waddanka Poland kula yeesho hoggaamiyayaal kale.

Berberanews.com
Info@berberanews.com