Maraykanka oo muwaadiniintiisa ku amray inay 48 saac kaga baxaan Ukraine

Ukraine-(Berberanews)-Dowladda Maraykanka ayaa nuwaadiniinteeda uga digtay dagaal ka qarxa Ukraine, waxaanay 48 saacadood u qabatay inay kaga baxaan dalkaas.

La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay diyaar u yihiin “duulaan milateri oo ballaadhan”

“Ma saadaalin karno mustaqbalka, mana ogin waxa dhici doona, balse khatarta waa mid saraysa, waxaana loo baahan yahay in si degdeg ah ay [muwaadiniinta] uga baxaan dalkaas” ayuu yidhi Sullivan.

Maraykanka ayaa sheegay in tallaabada u horraysa ee Ruushku noqon karto duqayn cirka ah, sidaas darteedna ay adkayn doonto xaalad lagu samatabixiyo muwaadiniintooda.

Duulaanka ayaa ku billaaban kara duqeyn cirka ah, taasoo adkeyn doonta in Ukraine laga samata bixiyo muwaadiniinta Maraykanka” sidaa waxa lagu yidhi warbixinta Aqalka Cad.

UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed, ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine.

Ruushka oo ciidan ka badan 100,000 oo askari ku daabulay xuduudda labada dal ayaa marar badan beeniyay inuu duulaan ku yahay Ukraine.

Berberanews com
Info@berberanews.com