Xukuumadda iyo gaadiidlayda Hargeysa oo isla meeldhigay cabashada shidaalka

Hargeysa-(Berberanews)-Waxaan maanta ka qayb-galay shir lagu soo afjarayey khilaaf muddoonyinkii dambe ka taagna kor u kaca qiimaha shidaalka, kuwaaso cabasho xoog leh ay ka muujiyeen gaadiidlayda u adeega dadweynaha caasimadda Hargeysa ku nool sida Booyadaha biyaha iyo basaska iskaga goosha xaafadaha caasimadda Hargeysa.

Shirkan oo ka dhacay wasaarada arimaha gudaha gaar ahaan xafiiska wasiirka wuxuu kusoo dhamaaday jawi degan oo ku dhisan is-afgarad iyo is-faham laga gaadhay cabashadii gadiid-layda basaska iyo booyadaha.

Gaba-gabo iyo gunaanad dawlad ahaan waxaa naga go’an marwalba inaan ka shaqayno wixii Dan u ah shicibkayaga, isla mar ahaantaana ka shaqayno horumarkooda nololeed iyo dhaqaale.

Allaah Mahad Leh.

Maxamuud Xasan Sacad (Saajin)

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Dalxiiska JSL.