Madaxweyne Biixi iyo siyaasi Maxamuud Xaashi oo kulmaya saacadaha soo socda

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee Madaxtooyada xukuumaddii Axmed Siilaanyo, ayaa la filayaa inay kulankoodii ugu horreeyey isku soo horfadhiistaan saacadaha soo socda.


Madaxweyne Biixi iyo siyaasi Xaashi oo in muddo ah ku kala maqnaa cadho siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha xisbiga KULMIYE,  ayaa la sheegay inay u ballansan yihiin kulan albaabadu u xidhan yihiin oo ay saacadaha soo socda ku yeelan doonaan qasriga Madaxtooyada Somaliland ee caasimadda Hargeysa, kadib kulan in badan laga soo shaqaynayay oo labadan siyaasi la isugu sooo dhawaynayay.


Wasiir hore Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ilo wareedyo u dhuun daloola kulankiisani Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in ay rasmi tahay ballan uu la leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay muddoba isku seeganaayeen xaaladda siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE oo markii dambe keentay in bannaanka laga dhigo xisbiga kadib markii uu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay Maxamuud Xaashi in Madaxweyne Muuse Biixi xilka Guddoomiyenimo ee xisbiga KULMIYE banneeyo si la mid ah sidii Madaxweyne hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu xilka guddoomiyenimo ugu dareejiyey Muuse Biixi markii uu talada dalka la wareegay, taasi oo noqotay mid aan ka suurtoobin Madaxweynaha hadda jooga oo wali xilka xisbiga iyo kan qaranka isku haya, kadib markii uu KULMIYE la wareegay sannadkii 2010-kii muddo haatan laga joogo 12 sano oo dhow.


Warar xog-ogaal ah oo wargeyska Foore kulankan ka helna waxa ay noo xaqiijiyeen qabsoomidda kulankaasi oo maanta la filayo kadib in muddo ah oo labadan masuul loo kala dab qaadayay kuwaasi oo ugu dambayn ka wada hadli doona mid waliba damaca siyaasadeed ee uu leeyahay iyo danaha ay wadaagi karaan iyada oo aan la ogayn waxa iska baddalay ajandayaasha labadan siyaasi mid walba jeebka ugu jiray muddoda ee aadka u kala durugsanaa.


Kulankan ayaa ku soo beegmaya wakhti Siyaasi Maxamuud Xashi Cabdi uu habeen hore uun ka soo laabtay kulammo gooni gooni ah oo uu Magaalooyinka Burco iyo Berbera kula soo yeeshay qaar ka mid ah madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, wax-garadka iyo dadweynaha kaleba,  kulamadaasi oo u badnaa wada tashi siyaasadeed, aragtida uu qabo wakhtigan iyo dardaarano kala duwan oo faraqa loogu soo guntay. Kulamadii siyaasi Maxamuud Xaashi magaalada Burco kula soo yeeshay qaar ka mid ah wax-garadka, siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka beelaha Bariga Burco ee uu ka soo jeedo ayaa la sheegay in ay u badnaayeen kulamo ay kaga dardaar weriyeen ku laabashadiisa xisbiga KULMIYE iyaga oo shuruud uga dhigay taageero ay siiyaan in ay ku xidhnaan karto oo kali ah iyada oo Madaxweynuhu degdeg ugu wareejiyo xisbiga KULMIYE,  wixii intaasi ka soo hadhaana ay tahay arrin aan sinaba ugu cuntami doonin, haddii kale uu ku dhawaaqo urur siyaasadeed cusub. 
Damaca Siyaasi Maxamuud Xaashi ee la wareegidda  xisbiga KULMIYE ayaa dhinaca kale waxa uu u muuqdaa mid aan xagga Madaxweynaha ka suurtogal ahayn maadaama Madaxweynuhu muddoba ku taamayay in marka uu si rasmi ah ugu dhawaaqo musharraxnimadiisa Doorashada Madaxtooyada la filayay in uu siyaasi Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka Daakhiliga ku wareejiyo taasi oo keenaysa sida ay labadan siyaasi ee kulmayaa isu qabadsiin doonaan danahooda siyaasadeed ee wali u muuqda kuwo aad u kala fog.
28-kii Bishii Oktoobar ee sannadkii tagay 2021 ayay ahayd markii si rasmi ah xisbiga KULMIYE bannaanka looga dhigay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa raggii tan iyo aasaaskiisa sida weyn uga soo dhex muuqday ee garab taagnaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo markii uu xisbigaasi aasaasay sannadkii 2002.  
Isku soo wada duuboo, lama oga sida ay labadan siyaasi kulankooda ugu gaadhi karaan xalmeelmar ah maadaama ajandayaashoodu aad u kala fog yihiin, lama oga in Madaxweynuhu mawqifkiisi hore ee fogaynta Maxamuud Xaashi ahaa uu ka soo dabcay waqti ay kaabiga innagu soo hayso doorashada Madaxtooyada.