Odayaasha dhaqanka HAWIYE oo Farriin Xasaasi ah u diray xukuumadda Somaliland

Muqdisho -(Berberanees)-Waxgaradka beelaha Hawiye ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inuu ku kacay arrin aan waafaqsaneyn dhaqanka beelaha Soomaalida iyo diinta Islaamka, kadib markii ay afduubtay heshiis ay gaadheen laba beelood oo ka soo kala jeeda Habargidir iyo Isaaq.

Odayaal uu hoggaaminayo guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shir-jaraa’id ’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, iyagoo farriin u diray xukuumadda Somaliland iyo beesha Isaaq.
Nabadoon Xaad ayaa sheegay in ninka ka soo jeeda beesha Saruur ee Habargidir uu dil toogasho ah ugu xidhan yahay magaalada Hargeysa, balse markii ay labada beelood ka wada xaajoodeen magta nin hore loo dilay oo loo heysto ninkaas ay xukuumadda Somaliland soo faro-gelisay kiiska.

Wuxuu sheegay in caddeymo buuxa aan loo heyn dilka loo heysto ninka Saruur ee Hargeysa ku xidhan, balse cidii uu ka dhashay ay aqbashay inay bixiso magta ninkii dhintay oo sida uu sheegay ka badan intii dhaqanka Soomaalida lagu kala qaadan jiray.
Hase yeeshee, iyadoo wax kasta ay gabagabo yihiin ayuu Nabadoon Xaad sheegay in arrinta ay soo faro-gelisay xukuumadda Somaliland oo hadda ku adkeysanaya in la toogto ninkaas.

Ninka wax dilay ee Somaliland ay dooneyso in loo toogto oo ka soo jeeda beesha Saruur ee Habargidir, halka ninka dhintay uu ka dhashay beesha Ciida-gale ee Garxajis – Isaaq, “Jufada uu ninkaas ka dhintay ee Isaaq waxay adkeeyeen wax kasta oo dhaqan lagu xali jiray, haddana qolada uu ninka xidhan ka dhashay waxay aqbaleen wax kasta oo la hor dhigay, si ninkaas uu xornimo u helo, balse waxaa arrinta soo faro-gelisay Somaliland oo tidhi ninkaas waa la tooganayaa, taasna nama qabato,” ayuu yidhi Xaad.

Waxa uu sheegay in mudo dheer laga wada hadlaayey gorgortanka magta ninkii la dilay, balse aan marna la soo hadal qaadin in la dilo ninkaas, balse xukuumadda Somaliland uu ugu dambeyntii afduubtay heshiisyadii socday, isla markaana uu ku adkeysatay in la tooganayo ninkaas.
Nabadoon Xaad iyo odayaasha kale ee Hawiye ayaa Xukuumadda Somaliland iyo beesha uu ka dhashay ninka dhintay waxa ay ka codsadeen in la dhowro dhaqanka Soomaalida, isagoo caddeeyey in xal kasta oo aan dil aheyn ay diyaar u yihiin.