UCID oo magacaabay beddelka xubin iska casilay Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa -(Berberanews)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa masuul cusub u xulay buuxinta xubintii xisbigooda ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu dhowaan iska casilay Cabdifataax Ibraahim Sheekh.

Xisbiga UCID, ayaa Mr. Ibraahim Aadan Cali (Macallin) u magacaabay inuu buuxiyo xubinnimada Komishanka Doorashooyinka ee uu banneeyey Cabdifataax Ibraahim oo laba Komishan oo kala dambeeyey xisbigaas u metelayey.

Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali-waraabe, ayaa isla maanta Madaxweynaha u gudbiyey masuulka cusub ee xisbigu u xulay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.