Ukraine oo codsi u dirtay dalka Ruushka

Ukraine-(Berberanews)-Dalka Ukraine wuxuu ka codsaday kulan  dhexmara Ruushka iyo dalal kale oo ka tirsan guddiga ammanka Yurub, si looga xaajoodo xiisadda sii xoogeysanaysa ee ka taagan xuduudda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa sheegay in Ruushka uu dhagha ka furaystay codsi rasmi ah oo ku saabsan inuu sharraxo sababta uu ciidamada tirada badan u geeyay xuduudda.

Waxa uu intaa raaciyay in tallaabada xigta ay tahay in dalkiisa uu diro codsi ku saabsan kulan dhaca 48 saacadood gudahood, si Ruushka loogala hadlo waxa uu damacsan yahay.

Xukuumadda ruushka ayaa marar badan beenisay inay duulaan ku tahay Ukraine, inkastoo ay ciidan ka badan 100,000 oo askari ay ku daabushay meel u dhaw xuduudda labada dal.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, iyagoo ka cabsi qaba in haddii uu Ruushka billaabo dagaalka ay adkaan doonto daadgureyntooda.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa ku eedaysay dalalka Galbeedka inay faafinayaan macluumaad been ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com