Baarlamaanka Itoobiya oo u codeeyay in la soo afjaro xaaladda degdegga ah

Itoobiya-(Berberanews)-Baarlamaanka Itoobiya, ayaa isku raacay in la qaado xaalad degdeg ah oo lix bilood ah oo lagu soo rogay bishii November, ka dib markii ciidammada fallaagada ee Tigray-ga ay ku hanjabeen inay socod ku tagayaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Kadib codsiyo ay golaha wasiiradu bishii hore soo jeediyeen oo ahaa in la soo gaabiyo talaabooyinka deg degga ah iyadoo la eegayo xaaladda amni ee dalka oo soo hagaagaysa, ayay mudanayaashu go’aankooda qaateen maanta.

Inta badan xoogaga fallaagada ayaa ka fadhiistay gobolka ay ka soo jeedaan ee Tigray, ka dib horumarro degdeg ah oo dhacay bishii Nofembar, waxaana jira tilmaamo muujinaya inuu sii yaraanayo xidhiidhka ka dhexeeya dhinacyada dagaallamaya.

Waxaa jiray 63 xildhibaan oo diiday in la qaado xaaladda degdegga ah, halka 21 ay ka aamuseen.

Xaalada degdega ah ee lixda bilood ah ayaa ogolanaysay in jid gooyooyin la dhigto, in la hakiyo adeegyada gaadiidka, in bandow lagu soo rogo, ciidamada oo meelo gaar ah la wareegaya iyo arrimo kale.

Boqolaal qof, oo u badan qowmiyadda Tigrayga, ayaa xabsiga la dhigay tan iyo markii lagu dhawaaqay xaaladda degdegga ah.

Info@berberanews.com