Xogaha Gabadh Soomaaliyeed oo nin ajaanib ahi ku dilay Malaysia

Malaysia-(Berberanews)-Alle ha u naxariistee waxaa lagu dilay dalka Malaysia gabadh Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Dahabo Cumar maalin ka hor.

Dahabo Cumar dilkeeda waxaa u xidhan nin u dhashay dalka Ciraaq,kaasoo la sheegay inay ka diiday xidhiidh jacayl iyo guur uu u soo bandhigay.

Maydka Marxuumad Dahabo Cumar oo yaal Cusbitaal ku yaal dalkaas, ayaa waxaa baadhista kiiska dilkeeda gacanta ku haya booliska.

Safaaradda Somalia ee dalka Malaysiya ayaa sheegtay inaan la aasi doonin maydka Marxuummadda inta laga dhamaystirayo baadhitaanka dilka,islamarkaana uu u xidhanyahay ninka dilka gaystay.

“Xogaha kale ee aan helayno waxay sheegayeen yarkii gabadha dilay inuu xidhiidh ka dalbaday isla markaana uu guursanayo balse ay ka diiday markaana uu dilay oo mindi ku dhuftay, xog ku filan marka ay naga siiyaan kiiska ayaa aaska marxuumadda laga howlgalayaa“sidaa waxaa tidhi Amal Maxamed Siciid oo ah Qunsulka Safaaradda Somalia ee Malaysia.

Ehelada Marxuumad Dahabo ayaa dowladda Somalia u diray baaq, ay ku codsanayaan in caddaalad loo helo gabadhooda, waxaana sidoo kale ay sheegeen in safaaradda Soomaaliya iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi Malaysia.