Booliska Somaliland oo qabtay 120 tabriibayaal

Wajaale -(Berberanews)-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee degmo-ganacsiyeedka Togwajaale, ayaa gacanta ku dhigay 120 qof tahriibayaal Itoobiyaan ah oo doonayey inay sifo sharci-darro ah ku soo galaan dalka goor dambe oo xalay ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Wajaale oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay in tahriibayaasha tirada badan ciidankiisu gacanta ku dhigeen xilli habeennimo ah, sidoo kalena qabteen raggii tahriibinayey.

“Ciidanka boolisku waxay abbaaro 4:00 habeennimo ee xalay la kulmeen 120 nin oo tahriibeyaal u dhashay  dalka Itoobiya oo doonayey inay u soo gudbaan Somaliland, waxana gacanta lagu dhigay 120 tahriibe, laba baabuur iyo saddex magafe oo waday,”  ayuu yidhi taliyuhu.

“Waxaannu qorshaynaynaa in aannu Itoobiya u gudbinno dadkaas tahriibeyaasha ah,” ayuu yidhi Taliyaha Saldhigga Booliska ee Wajaale.
Itoobiyaanka ayaa badanaa Somaliland ku gala sifo sharci-darro ah, iyagoo ay xuduudka Itoobiya ka soo gudbiyaan rag tahriibiyeyaal ah oo lacag kaga qaata inay geliyaan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.