Taiwan oo qalab siisay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa berri daah-furi doona qalab lagu hubin doono codbixiyeyaasha codaynaya doorashooyinka Somaliland.

Qalabka casriga ah oo ay Taiwan ku caawisay Somaliland ayaa lagu hubin doonaa dadka codka ka dhiiban doona goobaha codbixinta ee guud ahaan Somaliland, si loo xaqiijiyo in qofka codaynaya iyo kaadhkiisu is leeyihiin, waana mid ujeeddada laga leeyahay ay tahay daah-furnaanta hannaanka codbixinta doorashooyinka dalka.

Qalabkan ayaa qorshuhu yahay in la dhigo dhammaan degmo doorashooyinka Somaliland iyo goobaha codbixintaba.

Somaliland ayaa la filayaa in ay dhowaan ka bilaabanto diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ee sharcigu dhigay in la sameeyo doorasho kasta ka hor.

Qalabka ay Taiwan ku caawisay Somaliland, ayaa la isku dayey in doorashadii u dambaysay lagu galo, balse waqtiga oo la sheegay inuu cidhiidhi yahay ayey suurtogeli wayday.