Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dawladnimadeeda dib ugala soo noqotay isutagii Somaliland iyo Somalia ee dhacay 1 July 1960 oo ay ka dhalatay jamhuuriyadii Somalia ee 1991 kii bur-burburtay.
Taariikhdu markii ay ahayd 27 -April-1991 ilaa 15- May -1991 kii ayey dadka jamhuuriyada Somaliland shir ku qabsadeen magaalada Burco waxaana ay ku cadeeyeen in ay si rasmi ah uga baxeen midowgii dhacay 1-July-1960kii, 18 May 1991 waxa la cadeeyey in jamhuuriyada Somaliland gooni isutaagtay oo ay tahay qaran madax banaan.
Waxaa afti dadwayne ku taageeray dadka jamhuuriyada 31-05-2001 oo ugu codeeyey 97% ogolaansho ( Yes ) dastuurka jamhuuriyada Somaliland oo uu qodobkiisa 1aad cadeynayo dalka jamhuuriyada Somaliland yahay .
Haddaba mudo dheer oo 30 sanadood ah jamhuuriyada Somaliland may helin aqoonsi caalami ah oo waxa ay ahayd qaran aan la aqoonsanayn ( De facto State ) , taasi macneheedu maaha in jamhuuriyada Somaliland ka go’doon ahayd aduunka laakiin waxa ay xidhiidho badan la leedahay iyo iskaashi la leedahay dalal badan oo caalamka ah.
Aqoonsi caalamiya oo ay jamhuuriyada Somaliland heshaa waxaa uu ku iman karaa in xiligani sadex wado oo u sahli kara in jamhuuriyada Somaliland ay noqoto qaran ka mid ah qaramada caalamka ee la aqoonsan yahay waxaana ay kala yihiin;
1- Midho dhal ka soo baxa wadahadala aduunku dabada ka riixayo ee jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia usoo bilaabmay 2012 kii oo ilaa 8 mar si rasmi ah la isku hor fadhiistay walow aanay natiijo wanaagsan iyo wax midho dhalaa ka soo bixin.
2- Midowga Africa oo marka ay shuruudaha iyo xeerarka caalamiga ah eegaan iyo shuruudaha qaran looga baahan yahay ku qanca in jamhuuriyada Somaliland u qalanto qaran madax banaan , iyaga oo hore 2005 gudi ugu soo diray jamhuuriyada Somaliland oo ay warcelintoodii ka muuqatay in Somaliland mudan tahay in ay xuquuqaheega hesho.
3- Dan weyn oo siyaasadeed oo soo gasha Somaliland sida quwadaha aduunka isku eryanaya oo midi u arko in jamhuuriyada Somaliland anfacayso dabeedna u galo olole caalamiya oo lagu aqoonsado ( international recognition lobbies) .
Arimahani dhamaantood waxa ay suurtagal ka dhigi karaan ama soo dedejin karaan in qaranka jamhuuriyada Somaliland aqoonsi buuxa ka helo caalamka .
Somaliland waxa ay u qalantaa qaran aqoonsigiisu qasab yahay marka la eegayo xaga sharciga shuruudaha qaran looga baahan yahay sida uu dhigayo Montevideo International Convention qodobkiisa koowaad ( 1aad ) .
1- Dad sugan
2- xuduud sugan
3- Dawlad shaqeynaysa
4- awooda ay xidhiidh caalamiya kula gali karto dawladaha kale.
Waxa kale oo isaguna soo raaca in sifo sharci ah jamhuuriyada Somaliland loogu aqoonsado qaran madax banaan dhacdooyinkii foosha xumaa , iyo dhibaatooyinkii dadka jamhuuriyada Somaliland ay u geysatay dawladii Somalia ee duqeyntii magaalooyinka diyaaradaha iyo madaafiicda lala dhacay, dadkii haybtooda iyo isirkooda ay ka soo jeedaan awgii dawladnimada loogu laayey.
Arimahani waxa ay shuruucda caalamiga ah ee qaramada midoobay soo galayaan 1- xasuuq ( Genocide ) , 2- Ethnic Cleansing ( isir tir-tir ) waxaana ay dadka jamhuuriyada Somaliland xaq iyo xuquuq u siinayaan in ay aayahooga ka tashan karaan oo ay qaran madax banaan yeelan karaan dhibaatooyinka loogu geystay dawladnimada ee lagu weeraray haybta ay yihiin oo kaliya.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil