Baladweyne: Fahad Yaasiin oo loo doortay xildhibaan

BELEDWEYNE-(Berberanews)-Dooarshada lix kursi oo ka mid ah Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee xubnaha ka soo galaya maamulka HirShabelle, ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Kursiga u horreeyey ee doorashadiisa la qabtay ayaa ah kursiga HOP#086, waxaana ku tartamayay Fahad Daahir Axmed oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, horena u soo nqoday Agaasimha hay’adda Nabd-sugidda NISA.


Fahad ayaa helay 70 cod, halka musharraxa la tartamayey Axmed Dayib Axmed uu helay 24 cod, waxa la sheegay inay saddex cod ay xumaadeen.
Kursiga Fahad ku guuleystay ayaa waxa Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ku fadhiyey xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Ilaa shan kursi oo kale ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Beledweyne, oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka HirShabelle.


Dhinaca kale, ka hor inta aanay dhicin doorashada maanta ayaa guddiga doorashada ay sheegeen inay hakiyeen doorashada kursiga HOP086. Ilaa hadda ma cadda in natiijada kursigan rasmi ahaan ay u ansixin doonaan guddiga doorashada heer federal iyo in kale.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in lala wareegay cinwaannadii ay ku lahaayeen Baraha Bulshada, inkasta oo aanay sheegin cidda la wareegtay.

Fahad Yaasiin oo ka hadlay doorashadiisa

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sarkaal saamayn weyn ku leh arrimaha siyaasadda iyo maamulka ee dawladda taagta daran ee Soomaaliya, ayaa loo doortay xildhibaan ka mid noqon doona Baarlamaanka 11aad, kadib doorasho tuhun badan ku gedaaman yahay oo ka dhacday magaalada Baledweyne maanta.
Fahad Yaasiin oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo, horena u soo nqoday Agaasimha Hay’adda Nabd-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa goobta lagu doortay kula hadlay ergada iyo dadka kale ee goobjoogga ka ahaa doorashadiisa. “Doorashooyinka dalkii intii aan soo garaadsaday tii Carta ayaa iigu horreysay, marka taas laga reebo intii kale waan dhex taagnaa, qaabkii aan ku galayba, balse tan ayaa iigu horreysa in aniga la ii codeeyo,” ayuu yidhi Yaasiin oo aan inta badan ka hadlin fagaareyaasha.
Fahad oo hadal kaftan ah goobta lagu doortay ka jeediyey, ayaa u muuqday in uu muujinayo in doorashada dadban ay noqon doonto mid natiijooyin aan dad badan farax galin.
Waa mararka dhifta ah ee la arkay Fahad oo fagaare ka hadlaya, wuxuuna markan ballanqaaday inuu kursigiisa ugu adeegi doono Hirshabeelle iyo Soomaaliyaba.
Doorashada Fahad Yaasiin ayaa soo jiidatay dareenka siyaasadda Soomaaliya iyo tan warbaahintaba, waxaanay ahayd mid siyaabo badan kaga duwan kuraasta kale ee la doortay, iyada oo ciidammo xoog leh oo diyaarado lagu geeyey ay ilaalo ka hayeen magaalada iyo goobta doorashadu ka dhacday.