Magalada Samiraa ee Dalka Ciraaq waxay ahaan jirtay magaalo cilmiyeed loo aqoon doonto.
Waxa ku taallay Jaamicad aad u waynayd oo uu ka madax ahaa aqoon yahan wayn oo la odhan jiray Abu Al Xassan. Abu Al Xassan wuxuu ahaa culimada fikirka kuwa ugu cadcad waqtigaas.
Waxana usoo aqoon korodhsi doonan jiray arday badan oo ka kala iman jiray dunida Muslimka ah.Waxa kamid ahaa ardaydaas wiil danyar ahaa balse Ilaahay ku mannaystay maskax shidan oo aan nooceedu ku badnayn ammintaa uu noolaa.
Wuxuu ahaa hadafka wiilkaasi inuu ka mid noqdo tiirarka aqoonta ee dalwaynaha Ciraaq.
Maalin jiilaal ayuu ardaygii uga soo baxay qolkii wax barashada gaajo awgeed.
Wax lacag ahna waxa jeebkiisa ku jiray Filis iyo badh oo uu ku fekeray inuu illayn wax kale goynmaysee ku iibsado hal roodhi ah iyo xidhmo baqal ah oo qiimahoodu ahaa laba Filis.
Hal Filis ayuu xabad roodhi ah siistay markaasu u dhaqaaqay xaggaa iyo khudrad lihii oo uu damacsanaa inuu xidhmo baqal ah ka iibsado.
Wuxuu ku yidhi waxan haystaa nus Filis. Khudradlihii baa yidhi dee xidhmada baqal ahi waa hal Filis.Wiilkii baa ugu jawaabay -masalo cilmi ah oo ah cilmigaan bartay ayaan kaa siisan nus filiska.Khudrad lihii baa ku yidhi hadduu cilmigaagu qiima leeyaha Filis aad xidhmo baqal ah iga siisato ayuu kuu goyn lahaaye orodoo karso oo maraqiisa cab roodhidana ku dhuuq.
Hadalkaasi wiilkii wuu kaga darnaa seef madaxa lagaga jaro.
Wax yar ayuu isla shawray markaasuu yidhi- waa runtiiye hadduu cilmigaygu wax tarayo manta hal Filis umaan qado beeleen.Toban sano wixii aan baranayay xidhmo baqal ah ayay ii goyn wayday.Wuu iskaga tegay jaamacaddii.Markuu dhowr casho maqnaa ayuu Sheekhii Abu Al Xassan tebey oo uu ardaydii waydiiyay waar hebel mee?
Ardaydii baa ugu jawaabtay wuu iska dhaafay wax barashadii oo shaqo uu ka ceesho ayuu raadsaday.Abu Al Xassan ayaa qaatay cinwaankiisii oo kawar doonay.
Markii Sheekhu waydiiyay sababta ku kalliftay inuu jaamacadda ka tago ayuu uga[i]
Sheekeeyay qissadii ku dhacday.Abu Al Xassan baa ku yidhi haddaad aduun la’aan uun uga tagtay wax barashada kaatun kaygan qaado oo ku dabar noloshaada.
Wiilkii baa qaatay kaatunkii oo ula hulleelay xaggaa iyo dahab laha.
Kii u horreeyay ee arkay baa ku yidhi waxan siisanayaa kun dirham, laakiin horta ii sheeg xaggaad ke keentay?
Wuxuu ku yidhi macallinkaygii ayaa I siiyaye kaalay aan kuu geeyee.
Abu All Xassan ayay u tageen iibkiina waa la ansixiyay.
Macallinkii baa ardaygii ku yidhi markaad kaatunka iib geyneysay halkeed u iib geysay?
Ardaygii baa ku jawaabay dee dahablaha.
Macallinkii baa ku yidhi oo maxaad dahablaha ugu tagtay eed khudradlaha ugu tegi weyday?
Ardaygii baa ku yidhi dee dahablayaasha ayaa dahabka qiimayn yaqaan.
Markaa hadaa maxaad khudradlaha uga ogolaatay inuu Cilmigaaga qiimeeyo?
Wax walba ciddi taqaan uun baa qiimaysa aniguna waan ku qiimeeyoo waxad tahay ardaydayda ka ugu fiican.
Imisa jeer baynu inagoo dareensan ama aan dareensanayn aynu dhibbane u noqonay qiimayn qaldan??
Toban sanadood baa laga joogaa maalintaynu Xamar wadahadalka la furnay, illaa maalintaana waxay lahaayeen wadahadalku waa midnimo doon iyagoo ka dulboodaya dareenka muwaadinkeenna una haysta in laynagu guuri karo.
Soddon sannadood oo la kala maqnaa oo ka marakacay kala duwanaanshaha labada shacab ninka u haysta inay ahaayeen waxba kama jiraan ee aaminsan inaynu midnimo ku qasbanahay inamuu qiimayn!!!!
Rag aqoon la’aanta Xamar miyaynu sii eegan karnaa? Wasaaradda arrimaha debedu way ku ammaanayihiin inay joojiyeen wadahadalkii.
Mohammed Yousuf
Saudi Arabia
+966561521704