Ankara-(Berberanews)-Kaddib dacwad sii xoojisay xiisadda xidhiidhka Ankara iyo xulafada reer galbeedka, ayay maxkamad ku taalla dalka Turkiga ku xukuntay samafale Cismaan Kavala in uu xabsiga ku sii jiro, iyada oo u kordhisay muddada uu xabsiga ku jiro in ka badan afar sannadood oo aan wax dambi ah lagu soo oogin.
Maxkamada dalka Turkiga ayaa Isniintii go’aan ku gaadhay in xabsiga lagu sii hayo Kavala oo ka mid ah maxaabiista ugu magaca weyn dalka Turkiga, waxaana ay muddeysay dhageysiga dacwadda xigta 21-ka March.
Mar wax laga weydiiyay go’aanka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxa uu ku jawaabay in Turkiga aanu ixtiraami doonin golaha Yurub, haddii aanay ixtiraamin maxkamadaha Turkiga.
Golaha Yurub ayaa horraantii bishan ku dhawaaqay in guddigoodu uu dacwadda Kavala u gudbiyay maxkamadda xuquuqal insaanka ee Yurub (ECHR) si ay u go’aamiyaan in Turkigu ku guuldareystay inuu fuliyo go’aankii hore ee maxkamadda, kaasoo ahaa in si deg deg ah loo sii daayo, laba sano ka hor.
Bishii Oktoobar 2017, Kavala waa la xidhay. Sanadkii 2020, waxaa lagu waayay eedeymo ka dhashay mudaaharaadyo ka dhacay gobolka oo dhan 2013-kii.
Maxkamad ayaa saacado kadib amar ku bixisay in la soo xidho isaga oo lagu eedeyay in uu isku dayay in uu meesha ka saaro nidaamka dastuuriga ah ee la xidhiidba isku daygii afgambi ee 2016-kii.
Kavala ayaa lagu soo oogay saddex kiis oo kala duwan oo la xidhiidha mudaaharaadyadii 2013-kii, isku daygii afgambi ee 2016-kii, iyo 51 kale.
Maxkamadaas ayaa ugu dambeyntii amar ku bixisay in lagu sii daayo eedeymahaas laakiin lagu xidhay eedeymo basaasnimo isla kiiskii, tallaabada mucaaradku waxay ku doodeen in loola dan lahaa in lagu xalliyo xukunka ECHR.
Berberanews.com Info@berberanews.com