Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safiirka waddanka Taiwan u fadhiya Somaliland ka guddoomay qaadhaan lacageed oo ay kaga qaybqaadanayaan gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu saameeyeen.
Munaasibadda wareejinta qaadhaanka lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay $500,000 (shan boqol oo kun oo dollar) oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxa goob-joog ka ahaa xubno ka mid ah Guddida Gurmadka Abaaraha iyo madaxda safaaradda Taiwan ee Hargeysa oo uu hoggaaminayo Ambassador Allen lou, waxaannu madaxweyne-ku-xigeenku uga mahadnaqay dawladda Taiwan tallaabada lexejeclada leh ee ay u muujisay shacabka reer Somaliland.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhammaan dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay ku daydaan Taiwan, kana soo jawaabaan baaqooda ku aaddan inay gacan ka geystaan gurmadka abaarta saamaysay gobollo badan oo dalka Somaliland ka mid ah.