Ku dhawaad 600 oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha talyaaniga

Italy-(Berberanews)-Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku dhawaad 600 oo qof ka soo badbaadiyay doonyo kalluumeysi oo lasoo buux dhaafiyay, xilli cimilo culus ay ka jirtay xeebaha Calabria, balse hal qof ayaa meydkiisa la helay.

573-qof oo qaxoonti iyo muhaajiriin ah ayaa la helay xilli habeenimo ah iyagoo saaran “laba doonyood oo kalluumeysi oo si xad dhaaf ah loo raray, kuwaas oo loogi tagay badda iyo xaaladaha cimilada oo aan wanaagsanayn oo la saadaaliyey inay si aad ah u sii xoogaysan doonaan,” sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay hay’adda ilaalada xeebaha salaasadii.

Badbaadinta oo ka dhacday meel qiyaastii 110 kilomitir (70 mayl) u jirta cirdhfka koonfureed ee Calabria, ayaa waxaa taageeray markab weyn iyo saddex doonyood oo ilaalo ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Sida laga soo xigtay goob-joogayaal ay soo xiganayeen ilaalada xeebaha, mid ka mid ah meydadka la soo saaray ayaa ah mid “qof horay u dhintay dhowr maalmood”.

Qof kale oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah ayaa la geeyey dekedda Calabrian ee Roccella Ionica iyadoo la saaray doon ilaalo ah.

Berberanews.com Info@berberanews.com