Mocsow -(Berberanews)-Qiimaha shidaalka ee caalamka, ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyey tan iyo 2014-kii, taas oo culayska ku sii kordhin doonta bulshooyinka dalalka saboolka ah oo horeba ula daalaa-dhacayey korodh xawli ah oo ku yimi shidaalka iyo badeecadaha kala duwan.
Korodhka cusub ee ku yimi qiimaha shidaalka, ayaa la sheegay inuu ka dhashay xiisadda u dhexaysa dalalka Ruushka iyo Ukraine oo cirka isku sii shareertay, kadib markii Moscow amartay in ciidammo loo diro laba gobol oo sheegtay inay ka go’een bariga Ukraine, isla markaana Madaxweyne Putin u aqoonsaday waddamo madaxbannaan, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo in Ruuska uu ku duulo dalkaas, taasina sababto in qiimaha halka foosto ee shidaalka ah uu gaadho $100 doolar oo noqonaya midkii ugu sarreeyey muddo 8 sannadood.
Dhinaca kale, Maraykanka iyo xulafadiisa Yurub ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan cunaqabatayn hor leh oo ka dhan ah Ruushka, kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu si rasmi ah dalal madaxbannaan ugu aqoonsaday gobollo ku yaal bariga Ukraine, taasoo sii kordhisay qalalaasaha amni ee qaaradda iyo midda dhaqaalaha ee guud ahaan caalamka.
Berberanews.com
Info@berberanews.com