Daadad ku dhuftay Mozambique oo dilay 11 qof, tobanaan kun oo barakacy

Mozambique-(Berberanews)-Daadad ku dhuftay dalka Mozambique ayaa dilay 11 qof, halka 2,700 oo qofna ay ku barakaceen todobaadkii u dambeeyay, sida ay sheegeen saraakiisha gargaarka.

Waxay timid kadib markii duufaanta kulaylaha ay keentay roobab mahiigaan ah oo dalka oo dhan ka da’ay intii u dhaxaysay 15kii iyo 22kii February.

Niassa, Nampula, iyo Zambézia ayaa ah gobollada ay sida aadka ah u saameysay.
Sida laga soo xigtay Nelma Arajo, oo ah afhayeenka adeegga masiibooyinka qaranka, 34 guri ayaa gebi ahaanba basbeelay, 292 ayaa qayb ka mid ah burburay, 111 kalena ay daadadku qaadeen.

Saddex guri oo ku yaal Nampula ayaa sidoo kale lagu qasbay in la xidho cimilada awgeed.

Mozambique waxa ay la kulantay roobab, dabaylo xooggan,duufaanno kulaalayaasha Ana iyo Dumako tan iyo bilowgii roobabka iyo duufaannada bishii Oktoobar.

In ka badan 250,000 oo qof ayaa waxaa saameeyay masiibooyinkan saadaasha hawada, kuwaasoo sababay dhimashada 72 qof iyo 251 dhaawac ah, sida ay sheegtay Marwo Araajo.

Berberanews.com