Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya duqeymo ka dhacay magaalada Kyiv

Ukraine-(Berberanews)-Duqa magaalada Kyiv, oo horay u heystay feerka miisaanka culus Vitali Klitschko, ayaa sheegay in shan qarax laga soo sheegay guud ahaan caasimadda dalka Ukraine, iyadoo qaraxyo qaarkood laga maqlay meel u dhow xarun koronto oo ku taal waqooyiga magaalada.

“Adeegyada degdega ah ayaa ka jawaabaya. Waxaan ogaanaynaa faahfaahinta,” Klitschko ayaa yidhi.

“Xaaladdu hadda – iyadoo aan la buunbuunin – waxay khatar ku tahay Kyiv,” ayuu raaciyay. Habeenka, ayuu yidhi, waxay noqon doontaa “mid aad u adag”.

Kumanaan ciidamo ah oo la geeyay bariga Yurub –

Stoltenberg Jens Stoltenberg wuxuu ka hadlayaa tirada ciidamada Nato ee la geeyay bariga Yurub. “Waxaan markii ugu horeysay geyneynaa ciidamada difaaca Nato si wadajir ah, waxaan ka hadleynaa kumanaan askari, waxaan ka hadleynaa awooda hawada iyo badda,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Dhawr xulafo ah ayaa horeba u qoondeeyey ciidam ka tirsan kuwa Nato oo ka jawaaba,” ayuu raaciyay.

“Waxaan haysanaa diyaar garow sare oo ah ciidamada Nato, waana sababta aan u daabuleyno.”

Berberanews.com
Info@berberanews.com