Ciidamada Ruushka oo ku sii dhawaanaya Kyiv iyo xogihii u danbeeyay

Ikraine-(Berberanees)-Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka, ciidamada Ruushka ayaa horumar ka sameynaya caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxaana Moscow ay sii waddaa in ay ciidamo u dirto dalkaas.

Ruushka ayaa ku dhawaad ​​160 gantaal ku garaacay goobo Ukraine ah, sida uu sheegay sarkaalkan oo magaciisa qariyay.

Ilaa hadda, 137 qof ayaa la dilay oo ay ku jiraan dad rayid ah, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

Waxaa lagu qiyaasay in 100,000 oo reer Ukraine ah ay barokaceen.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, dad lagu qiyaasay 100,000 oo reer Ukraine ah ayaa ka qaxay guryahoodii, iyadoo kumannaan kale ay u gudbeen dalalka deriska ah, oo u badan Romania iyo Moldova.

Berberanews.com
Info@berberanews.com