Wefti ka socda Dowladda Maraykanka oo gaadhay Taiwan

Taiwan-(Berberanews)-xili duulaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukrain, waxa magaalada Taipei ka degay koox ka mid ah saraakiishii hore ee difaaca iyo ammaanka ee Maraykanka.

Booqashada, oo uu hoggaaminayo Mike Mullen, oo ah guddoomiyihii hore ee taliyeyaasha guud ee shaqaalaha, ayaa ku soo beegantay iyadoo Taiwan ay sare u qaadday heerka feejignaanta, iyada oo ka cabsi qabta in Shiinaha uu ka faa’iidaysto adduun wareersan si uu u weeraro.

Su Tseng-chang, oo ah ra’iisul wasaaraha Taiwan, ayaa saxafiyiinta u sheegtay goor sii horeysay oo maanta ah in safarku uu muujiyay “muhiimadda ay leedahay xidhiidhka Taiwan iyo Mareykanka iyo mowqifka Taiwan,” iyo sidoo kale taageerada aan kala go’a lahayn ee Mareykanka uu u hayo jasiiradda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi “Waa arrin aad u wanaagsan”.

Shiinaha oo cambaareeyay booqashada ayaa ku andacoonaya in jasiiradda ay iyadu leedahay, waxaana uu ballan qaaday in haddii loo baahdo uu xoog ku maamuli doono.

Duullaanka Ruushka ee Ukraine oo hadda galay maalintiisii ​​lixaad, ayaa dib u soo cusboonaysiiyay hanjabaadda Shiinaha ee ah in ay awood u adeegsan doonto in ay ku darto Taiwan oo dimuqraadi ah oo iyadu iskeed isu maamulaysa, taas oo ay ku andacoonayso in ay iyadu leedahay.

Berberanews.com Info@berberanews.com