141 waddan oo u codeeyay qaraarka Q. Midoobay ee Rusia ka dhanka ah

UN-(Berberanews)-Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar lagu cambaareynayo duulaanka Ruushka ee Ukraine, wuxuuna ugu baaqay inuu si degdeg ah uga baxo.

Kalfadhi degdeg ah oo naadir ah oo uu ku baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa qaraarka lagu meel mariyay iyadoo ay taageereen 141 ka mid ah 193 xubnood ee golaha.

Ruushka ayaa waxaa ku biiray Belarus, oo u adrrgta furinta ciidamada Ruushka ee duullaanka ku jooga, Eritrea, North Korea iyo Syria oo u codeeyay inay kasoo horjeedaan qaraarka ka dhanka ah Rusia.

35 xubnood oo uu ku jiro Shiinaha ayaa diiday oo ka codeeyay qaraarka.

“Nabadda ayaa si weyn loogu baahan yahay Ukraine, waxaana sidoo kale looga baahan yahay adduunka oo dhan.” Codeynta ka dib, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay

Berberanews.com
Info@berberanews.com