Madaxweynaha oo kulan gaar ah la yeeshay Guddida cusub ee Diiwaangelinta Ururrada

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay la xubnaha Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee uu dhowaan magacaabay gelinkii hore ee maanta.
Ma jiro weli war rasmi oo ka soo baxay kulanka Madaxweyne Biixi la yeeshay Guddida cusub ee Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, hase yeeshee warar ka ag dhowaa kulankan, ayaa tibaaxay in si guud looga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo xeer 14 sheegayo in diiwaangelintooda la bilaabo bisha May oo ah lix bilood ka hor waqtiga liisaankoodu dhacayo.
Guddida oo aan weli la ansixin, ayaa hore madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, waxana la filayaa marka mudanayaashu ka soo noqdaan in Goluhu go’aan ka gaadhi doono.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu iyaga la kulmi maalmaha soo socda Komishanka Doorashooyinka, isaga oo kala hadli doona hawlaha u diyaargarowga doorashooyinka iyo sidii loo bilaabi lahaa hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka u muddaysan inay dalka ka qabsoobaan sannadkan 2022.