Guddida Masiibooyinka Uk oo £55 milyan hal maalin ugu ururiyay Ukraine

Uk-(Berberanews)-Guddiga Gurmadka Musiibooyinka degdega UK (DEC) ayaa aruuriyay lacag dhan 55 milyan ginni maalintii ugu horeysay ee lacag aruurinta si loogu caawiyo kumanaan reer Ukraine ah oo ka baxsanaya dagaalka.

Marka loo eego DEC, lacagta waxaa ku jira tabarucaad ka timid boqorada, amiirka Wales, iyo Duke of Cambridge.

Saacado gudahooda maalintii Khamiista ee la daahfuray, boqollaal kun oo qof ayaa ku deeqay dadaallada bani’aadanimo.

Dawladda UK waxay ku biirisay £20 milyan taasoo qayb ka ah qorshaheeda UK Aid.

Shan iyo toban hay’adood oo gargaar oo UK ah ayaa isu soo baxay si ay dadweynaha ugu raadiyaan deeqo, oo ay ku jiraan Laanqayrta Cas ee Ingiriiska, Oxfam, iyo Save the Children.

Tan iyo markii militariga Ruushka ay weerareen Ukraine Khamiistii hore, in ka badan hal milyan oo qof ayaa ka qaxay dalka.

Dagaalada ayaa sii socday labadii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan 47 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay magaalada Chernihiv ee waqooyiga dalkaasi Khamiistii, iyo sidoo kale duqeymo uu Ruushka u geystay xarun Nukliyeer ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com