Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo ka hadlay saamaynta Ruushku kala kulmay cunaqabataynta

Hargeysa-(Berberanews)-Cunaqabataynta ay reer galbeedku Wadanka Ruushka saareen, gaar ahaan dhanka isticmaalka nidaamka loo yaqaan SWIFT, oo ah hab ay Bangiyada adduunku isugu tabiyaan lacagaha ayaa si daran u sameeyey ganacsigii iyo hab maaliyadeedkii shirkadaha iyo bangiyada dalka Ruushka muddo toddobaad ka yar.
Ma qiyaasi karaan caqabadaha xannuunka badan ee waddankayga Somaliland in ka badan 30 sannadood dadkiisu qabaan. Ruushoow iska aamus oo naga baro casharrada sida loo noolaado adigoo madi ah (kali).
Waxa igu blalan ah in aan dadkayga u shaqeeyo oo aan  dadaal naf-hur ah galiyo sidii aan uga midho-dhalin lahayn himiladeenna. Taas oo aan ku gaadhi karno  ujeeddooyinkeenna aynu ku hiigsanayno sidii qarankeennu u heli lahaa nidaam hufan oo ku dhisan xeerar iyo minqiyaasyo, kuwaas oo ina gaadhsiiya hab maalgashi oo sax ah iyo bangiyo leh adeegyo si mug leh wax uga tara duruufaha dhaqaale ee dalka. Isla markaa waxa aanan marnaba ka daali doonin in Bangiyada dalkeennu ka mid noqdaan habka SWIFT oo aynu harràad badan u qabno.

Waxa qoray Mukhtaar Cabdi Quulle
Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland