Wadahadal Turkiga uga furmaya Ruushka iyo Ukraine

Turkey-(Berberanews)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov iyo dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba ayaa ku heshiiyey inay kulmaan Khamiista, sida uu sheegay dublamaasiga ugu sarreeya Turkiga Mevlut Cavusoglu, kaasoo noqon doona wadahadalkii ugu horreeyay ee suurtagal ah oo dhexmara labada mas’uul tan iyo markii ciidamada Ruushka ay galeen Ukraine 24-kii February.

“Waxaan rajeyneynaa in tallaabadani ay horseedi doonto nabad iyo xasillooni,” Cavusoglu ayaa ku soo qoray Twitter Isniintii, isagoo ku dhawaaqay in wadahadalku uu ka dhacayo dhinaca madasha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee Antalya, ee koonfurta Turkiga.

Turkiga oo xubin ka ah NATO, oo xuduud badeed la wadaaga Ruushka iyo Ukraine ee ku yaal Badda Madow, ayaa u soo bandhigayay dhexdhexaadinta dhinacyada. Ankara waxay xidhiidh wanaagsan la leedahay labadaba Moscow iyo Kyiv, waxayna ku tilmaantay duullaanka Ruushka mid aan la aqbali karin xitaa isagoo ka soo horjeeda cunaqabateynta ka dhanka ah Moscow.

Cavusoglu ayaa sheegay in wicitaan uu la yeeshay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Axadii, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku celiyay dalabkii Turkiga ee ahaa martigelinta kulanka, kaas oo Lavrov uu markii dambe aqbalay.

“Waxaan si gaar ah u rajaynaynaa in kulankani uu noqdo mid isbedel ah iyo… tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yidhi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, isaga oo intaa ku daray in labada wasiirba ay ka codsadeen inuu ku soo biiro kulanka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa ku xaqiijisay wadahadalka Telegram.

Berberanews.com
Info@berberanews.com