WADDANI oo si adag uga soo horjeestay in doorashada ururrada laga soo hormariyo ta Madaxtooyada

Hargeysa  -(Berberanews)-Waxa markale sare u kacay khilaafka ka taagan qaabka loo gelayo doorashooyinka u muddaysan inay Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomaan sannadkan 2022, kaasoo u dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaamiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka ah.
Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay munaasabad uu ciidanka Somaliland kala qeybgalay Isniintii, ayaa sheegay in doorashada lagu kala reebayo ururrada xisbiyada siyaasadda ay ka soo hormari doonto ta madaxtinnimada.
“Sannadkan waxa innagu soo beegan saddex doorasho….. Waxa ugu horreysa tii xisbiyada. Waa in xisbiyada hadda jiraa ay tartamaaan. 13-ka November waa inay dhacdaa doorashada madaxtinnimada. Waxa xigi doonto tan Guurtida oo waxa ay noqon doontaa in la soo xulo oo aan doorasho badan gelin,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Hase ahaatee, hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka ayaa dareen diidmo ah ka muujiyey hadalka Madaxweynaha Somaliland ku sheegay in doorashada ururrada siyaasaddu ka soo hormayso midda Madaxtooyada oo u muddaysan 13 November 2022.
Musharraxa xilka madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka falceliyey dhawaaqa Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu soo horreyn doonto, iska markaana ay ka qeybgali doonaan saddexda xisbi ee hadda jirta.
“Waxa [doorashada madaxtinnimada] gelaya oo sharci ah saddexda xisbi qaran ee hadda jira. Doorashada madaxtooyada Somaliland waa doorashada keliya ee ay u dhan yihiin xeerkii lagu maamuli lahaa, farsamadii iyo miisaaniyaddii lagu hirgelin lahaa,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Hargeysa maanta.

Waxa uu tilmaamay in doorashada axsaabta iyo tan Golaha Guurtidu ay ka dambeynayaan midda madaxtooyada.

“Diiwaangelinta ururrada waxa loo raacayaa Xeer Lr.14-2011, ururrada buuxiya shuruudaha ayaa la tartami doona axsaabta kadib doorashada madaxtinnimada,” ayuu hadalkiisa raaciyey Cirro.
Murashax WADDANI waxa uu carrabka ku adkeeyey in muddeynta doorashooyinka aanay ahayn wax ay go’aan ka gaadhi karaan dad gaar ah, sida Madaxweynaha ama isaga, balse laga raacayo xeerarka dastuurka ee doorashoooyinka.

Taariikhda Xeerka:

Xeerka Nidaaminta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda waxa la ansixiyey sannadkii 2000 (Xeer Lr. 14/2000). Waxa uu bilow u ahaa hannaanka geeddi-socodka xisbiyada badan ee Somaliland kaga guurtay shir-beeleedyada. Dastuurka Somaliland qodobka 9aad waxa ku qoran in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland yahay hannaanka asxaabta badan iyo in aan xisbiyadu ka badan karin saddex.

Xeer Lr. 14/2000 waxa uu jideeyey habka ay ku tartami karaan ururrada cusub si ay ugu gudbaan xisbiyo, kaas oo ahaa in ay ku tartamaan doorashada golayaasha deegaanka. Doorashadii koowaad waxa la qabtay sannadkii 2002. Waxa ku soo baxay xisbiyada kala ah UDUB, UCID iyo KULMIYE.

Xeerka waxa wax-ka-beddel lagu sameeyey sannadkii 2011, kadib markii madaxwaynihii hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo u saaray guddi ka talo bixisa. Guddidu waxa ay ku talisay in ururrada la furo, iyada oo xeerka lagu kordhiyey in tobankii sannadood ba hal mar la furo ururro cusub.

Waxa la qabtay doorashadii golayaasha deegaannada sannadkii 2012, kaas oo ay soo baxeen xisbiyada kala ah UCID, KULMIYE iyo WADDANI.

Tobanka sannadood ee ruqsaddooda xisbinimo waxa ay ku eg tahay dhammaadka sannadkan 2022.